Maareeyaha Guud e Dekadaha Somaliland oo Shhegay in shaqaalaha Baylooda Dekeda Berbera tabobar loogu diri doono Dekeda Sokhna Dalka Masar

0

Isfaham iyo wada shaqayn Dhex martay Dekeda Berbera iyo Dekeda Sokhna ee Masar iyoWafti Somaliland na oo Booqasho ku Jooga Sokhna()- Wafti sare ka socda Xukuumada Somaliland, ayaa booqasho ku jooga Dalka Masar gaar ahaan Magaalada Sokhda, waftigan oo u hoggaaminayo Maareeyaha guud ee Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, waxay ka kooban yihiin 5 xubnood oo kala ah, Safiirka Somaliland ee Imaaraadka Amb. Muniir abu-site iyo Madaxa Shirkada Dp World ee Magaalada Berbera Superje iyo laba xubnood oo kamid ah Boodhka Sare ee Dekeda Berbera Md. Cali Xasan iyo Md. Cabdraxman Diiriye.

Waftiga, ayaa marti-qaad ka helay Dekeda Sokhna oo ay wada maamulan Shirkada Dp World iyo Xukuumada Masar, isla markaana ah deked aad mashquul u ah, oo ay kusoo xidhaan maraakiibta waaweyn ee xamuulka ah, Dekedan ayaa waraabisaa in ka badan 18-Milyan oo qof. Maareeyaha Guud ee Dekedaha Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, oo la hadlay Saxaafada, ayaa sheegay in shaqaalaha Baylooda Dekeda Berbera tabobar loogu diri doono Dekeda Sokhna si aqoon ay usoo korodhsadaan. Maareeye Siciid oo arimahaas iyo ujeedada safarkooda ka hadlaya waxa uu yidhi. “Waxanu Marti-qaad rasmiya ka helay maamulka sare ee Dekeda weyn ee Magaalada Sokhna, oo ay wada samaysteen Dp World iyo Dalka Masar, waxa hada lagu kordhiyey 1300meter, oo dhismaheedu socdo, waanu soo kormeernay, si khibradi noogu korodho, Waxanu isu miisameynaa labada qaab ee ay u ekaan doonto Dekeda Sokhna iyo teena Berbera oo hada la dhisayo 400-mt iyo 400 dambe, Waxanu halkaa kasoo korodhsanay, khibrad weyn waxananu kula soo noqon-doonaa dalkeena”. Sidoo kale, Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi waxa uu kulan gaar ah la qaatay, Maareeyaha guud ee Dekeda Sokhna, waxanay labada masuul halkaa isku waydaarsadeen macluumaad badan, waxanay halka ku wada gaadheen isfaham wada-shaqeyneed oo dhex-mara labada dekedood, isla markaana shaqaalaha soo xidha Maraakiibta tabobar u fidin lahayd Dekeda Sokhna. Maareeyaha oo arrimaha ka hadlaya waxa uu yidhi, ” Waxanu Maamulka Dekeda Sokhna isla qaadanay, in aanu shaqaale tabobar ugu dirno, gaar ahaan shaqaalaha Bayloodada, si loogu tabobaro Maraakibta waaweyn ee Madar Ship-ka ah, maadaama oo maraakiibtaa dhereerkoodu dheeraan doono, isla markaana xajmigoodu weyn yahay. Alxamdulilah waanu isku afgaranayn, waxanaanu rajeynayaa sidii aanu ugu soo diri lahayn Dekeda Sokhna shaqaalaha Bayloodada ah, ee Dekeda Berbera, sii ay khibrad dheerada usoo korodhsan lahayeen, Waxana na dhexmaray isfaham hordhac ah. Dekeda aanu bookhanay waxay ka kooban tahay 23 Km oo isku weera, waxana muhiima in ay Dekedu yeelato dhul, waayo maalinbaa malinta ka dambaysa, waxbaa u kordhaya Dekeda dhul Kayd u ah, si kolbaa loogu kordhiyo, oo kusii fiddo” ayuu yidhi Mareeyaha Dekedaha Somaliland. Dekeda Sokhna oo ah mid casriya, waxay ku taala marin muhiim ah, kaasoo ah wadaada ganacsi Sues Canal, bada cas EGHPT, waxana ka baxa 6 waddo oo tareen iyo 12 Wado oo Baabuurta waaweyni marto, Dekeda Sokhna waxay u jirtaa Magaalada CAIRO, 120-Km