Madaxwayne Geelaha jabuuti oo shir somaliland kow ka ahayd ka doorbiday in uu ku casuumo dawlada xamar joogta

0

Waxa la soo gabo gabeeyay oo heshiis sadex goosood ah lagu gaadhay in la hirgaliyo wado isku xidhi doonta magaalooyinka Lawyacado iyo Borama una sii gudbi doonta magaalada Jigjiga ee dalka Itoobiya.

Heshiiskani waxa wada gaadhay dawlada Muqdisho, Djibouti iyo Itoobiya oo laga soo qayb galiyay, waxna mashruucani sidoo kale goob joog ka ahaa oo maal galin doona World Bank-ka, EU Commission iyo sdoo kale African Development Bank.

Goobta heshiiskaasi ka dhacay wax aan waxba laga ogaysiin xukumadda Somaliland oo aan la’aanteed aanu mashruucani fuli karin sidoo kale ayna dawlada Somaliya ee heshiiskani ka dhex muuqataa ayaan haba yaraatee deegaanada Somaliland wax talo iyo saamayn ah ku lahayn.

 

Ilaa hada mashruucaasi xukumadda Somaliland kama ay hadlin waxana ay u eegtahay marka la soo gaba gabeeyo in loola iman doono saxeexa ugu danbeeya.

Dhanka kalena warar hoose oo aan helayno ayaa sheegaaya in maalgaliyayaashu ay arinkaasi walaac weyn ka muujiyeen dhaqaajintiisa iyada oo aanay Somaliland wax ka ogayn ama ayna qayb ka ahayn, waxase wararku sheegayaan in arintaasi ay dawlada Djibouti ku qancisay in ay gabo gabada mashruucani ka soo dhamayn doonto xukumadda Muuse Biixi, oo bilowgii mashruucani ay ka doorbiday xukumadda taagta daran ee Muqdisho lagu ilaaliyo