Madaxweynaha JSL wa Hogaamiye Qarran ,Maamulka Gobolada aya ka qariya Baahi badan iyo Dhibaatooyin badan ,by Mr. Belel –

0

Waxaan salaamayaa Bulshada JSL oo dhan iyo Saxaafadda xorta ah ee Hadhwanaagnews ugu horeyso .
Gobolada JSL Madaxweynuhu wuxu isku dayaa oo u booqdaa inuu Baahida Bulshada ioyo ta Degaankaba wa ka ogaado ,balse Gobol walba waxa laga hor keenaa Boqolaal Guulwadayaal u badan oo Maamulka  Gobolka iyo Dowladda dhexe ba Sacabka u garaaca oo Xisbiga iyo Maamulka Gobok kastaa Gunno u qoray oo Been ma sheegayaal ah ,Berbere hore ayaan wax uga qoray oo Xaafado Xagaagii 2 aad Biyo la’aan ugu soo galay !,madaxweunaha laga qariyo marka uu yimaado Berbera ,dadkaa oo inta laga raray meeshii ay deganaayeen ee Biyaha lahayd Ban cidla ah lagu

 


daadiyay lagu ilaawey !, Madaxda Berbera oo aan kala dhex baxay Eng. Xoorxoor oo qudha aad moodo sida qoraxda iuu uga dhex muuqdo ,Dekeddii Berbera na gaadhsiiyay heerka Dekedaha Caalamka ugu fiican ,faanin maayo ee wuu mutaystay ee ku dayda Rer Berberow .
Burco oo Magaala madaxda Gobolka Togdheer Bulshadu waxay u badan tahay Xoolo dhaqato ,Dhulkii Xooluhu daaqi lahaayeen Dadbaa ootay oo Dowga Miriye illaa Dhoshay iyo Balidhiig waa oodantahay oo Dadbaa iDhirtiina jaray oo xaalufiyay oo Qori iyo Rasaas la dhex taagan iyaga oo aan Wax ay ka qabteen ama ay dhigayaan aanay jirin ee isugu faanaya intaas oo Kiloomitir baan ootay oo Rer hel baan ahay ee ayaa ila hadli kara ,maamulka Gonolku waa liitaa oo oo xataa wey qaylo daran yihiin oo Dowladda dhexe wey ka qariyaan !,Toolooyinkii ayaa la isku haystaa oo Dhaqanxumo cusub baa bilaabantay in Beeluhu isku hugureeyaan Degaanka oo Maalin walba qaylo ka timaado !, maamulka Degaanka ee Burco ay yidhaahdaan horta is dila !,oo Sidii Bali Siiriye aanu RRU idiin soo diro ,.
Shalay waxay Bali Diiriye iyo Cabdall Arab ,Maantana Gumbur Libaax iyo Kala Baydh oo Ciise Cimraan Tuulooyinkoodii lagu haysto Dhirtiina ogaan loo xagaafayo !,Maamulka Togdheer iyo Dowladda hoose Hubka ayay isgu dhiibeen Dad wada dhashay oo isku nool ah !,wa Ducuf oo waxa la yidhi Rag la’aani wax kuma yeesho ee Rag xumo ayaa waxku yeesha !,Wixii la qariyo Qudhunbaa ku jira oo Fidnada halkaa ka dhalata Maamulka Burco Guud ahaan wuu saqamaynayaa , Xalay Madaweynaha oo Burco jooga Odayaal baan soo kexeeyay Jiif Caaqilkii ba ka mid ahaa Albaabkaa nalaga soo celiyay oo waxa la yidhio Beesha Moxamed Sh. Isaxaaq way buuxdaa wa Guulwadayaashii Xisbiga ee wax Baahida Bulshada iyo Dhibta Degaanka ka hadlaya malaha !,sidaas baa Madaxweynaha Qarranka oo Mujaahid ah oo Halyay Qarran oo la hubo ah looga qariyaa Baahida Bulshada iyo Dhibta Degaanka lagu hayo iyo Colaadaha ay Dad Reer Baadiyaha ah ee Walaalaha ah ay u keeni karto Dhibtaas oo Anigu aan Aafo Qarran u arko oo u baahan Wareegto Madaxweyne iyo Go’aan Qarranku ka midaysan yahay .

Wa Nillaahi Towfiiq ,
By Mr Belel ..