Madaxweyne Ku Xigeenka Jsl Oo Waraysi Siiyey Telefishanka Sky News Ayaa Kaga Warbixiyey Fursadaha Maalgashi Ee Somaliland Ka Banaan Iyo Balaadhinta Dekedda Berbera.

0

Madaxweyne Kuxigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil  Saylici oo ku Sugan wadanka  Isu Taga Imaaraadka Carabta ayaa faah faahin Ka bixiyey fursadaha maalgashi  ee Somaliland ka jira, waxaanu Sidaas ku sheegay waraysi uu siiyey telefishanka SKY News qaybtiisa Carabida .

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici  ayaa sheegay in ay Somaliland ka jiraan fursaddo maalgashi oo aad u badan , “Waxaanu dawladda Imaaraadka Carabta ee aynu walaalaha Nahay uga mahadceliyey maalgelinta ay ku samaysay dalkan Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaana dekedda magaaladda Berbera iyo mashruuca tamarta Laydhka lagaga dhalinaayo cad ceeda ee duleedka magaaladda Berbera ka socda.

Madaxweyne ku xigeenka oo ka hadlaayey maalgelinta  ay dawladda Imaaraadku ka waddo Somaliland ayaa  sheegay inuu jiro mashruuc lagaga dhalinaayo  tamarta cad ceeda laydh ay dadku isticmaalaan, mashruucaas oo uu tilmaamay in uu  bilaabmay xili ay aad ugu baahnaayeen dadku inay helaan xadi badan oo Laydh ah, si ay uga faa’iidaystaan muwaadiniinta reer Berbera , dadka ajaanibka ah ee magaaladaas ku sugan iyo dadka ka shaqaynaaya mashaariicda shirkadda Dp World ka waddo magaaladda Berbera.