Madaxweyne Muuse Biixi Waxa Uu Ilaa Hada Raadinayaa Heshiiskii DP World La Gashay Xukumadii Madaxweyne Siilanyo Oo Aanu Madaxtooyada Wax Documents Igu Imanin”W/Q Yassin Mohamed Ismail

0

XANTII LA QARIYO XIINKEEDAAD MAQASHAA


Waa caado xun iyo dhaqan xun oo caado u ah mar kasta oo dawlad cusubi dhalato, ama doorasho lagu kala guulaysto, Waxaa inoo caado ah in dawlada sii socotaa sii baabi’iso wax kasta oo macluumaad ah, documentations, records, aataar siyaasi ah iyo kuwo taariikhi ah ba.
Xataa sida caadada ah khasnadaha waa la sii faaruqiyaa.

Waxaan usoo joogay 2010 kii markii Siilaanyo ku guulaystay doorashada, ee Daahir Rayaale laga helay, waxaa ag agaarka Hotel Imperial asqeeyay waraaqo ciidaa ka badan oo laga soo qufay xafiisyadii wasaaradaha oo dabayshu wadayo oo wada sir ah.
Xataa guba la isma odhane dabaylahaa duduucaayay ilaa dugsiga Faarax Oomaar.

Dadkii joogay baa iiga markhaati ah.

Imika markii Muse Biixi qabsaday dalka, ceeb iyo fadeexad la wada ogyay baa soo if baxday. 
Documents badan oo masiiri ah ayaa la waayay. Nin waliba wuxuu hayay ee documents ah jeebkuu hore ugu sii qaatay.

Xanta jirta waxa weeye, ee weliba laga helaayo ilo ku dhawdhaw madaxtooyada: gaar ahaan xafiiska madaxweynaha iyo ku-xigeenkaba arin werwerkeeda iyo waji-gabaxeeda leh oo ku saabsan documents kii la xidhiidhay heshiisyadii lala galay DP World oo meel ay jaan iyo cidhib dhigeen aan cidi garanayn.

Muse Biixi dilemma waawayn baa hor yaala. Muse Biixi wuxuu xafiiska madaxtooyada kala wareegay madaxweynihii hore Waa Siilaanyo e, laakiin Siilaanyo Wuxuu ahaa madaxweyne lala maamulaayay madaxweynanimada oo shaqsiyaad kale maamulayeen.

Markii Muse Biixi ogaaday in aan wax document ah oo ku saabsan heshiisYadaa oo xafiiska Madaxweynaha yaalaa aanay jirin wuxuu isku deyay inuu waraysto Wadiirkii Hore ee Madaxtooyada, Maxamud Xaashi oo loo tuhmaayay inuu isagu documents kaa hayo.
Balse Maxamud wuxuu ku qanciyay Muse Biixi arin daw ah oo Wuxuu yidhi, sida la sheegay “Anigu wasiir baan ahaa, wixii wasaarada madaxtooyada maamulkeeda la xidhiidha xaq waxa la iigu leeyay inaan xilkeeda u tiriyo wasiirka I bedelayaa, laakiin wixii madaxweyne madaxwryne xil kala wareegaYa, kuma saabsan arimaha masiiriga ah sida heshiisyadii DP World iyo Somaliland waxaad kala xisaabtamaysaa Madaxweyne Siilaanyo”

Madaxweyne Siilaanyo sidii Xirsi sheegayna Waa incapacitated oo qof haatan lala xisaabtami karo maaha.
Muse Biixi isagoo dhawraaya anshaxa xisbiga wuxuu isku deyay inuu arintan daboolka saaro.
Balse Maxamud Xaashi oo loo tihmaayay inuu hayo nuqul ka
Mid ah heshiiskaas ayaa gurigiisii dab qabadsiiyay mar aan sii fogayn, si uu u yidhaahdo Waar Aniga xataa personal stuff kaygii baa halkaa ku gu tay oo waxaan hayaa Ma jirto awelna wax sharci la iigu leeyay oo heshiis ah oon hayay Ma ay jirin e, orod Musoow ka raadso heshiisyadaa cidii wadanka loo doortay ee aad xaq ugu lahayd inay kugu wareejiyaan.

Arintu jiq bay noqotay.
Maxamud Xaashina Juba Yaa Gubay buu kaga galgashay arintii oo waakii maalmahaa gurigiisiiba dabka qabadsiiyay. I call that one step ahead .

Hadaba, Dhawaan waxay xukuumada Somaliland U dirtay dalka Imaaraadka wafti uu hogaaminaayay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mud. Abdirahman Saylici, waxaanay ujeedada socdaalkiisu ahayd baa la yidhi bal inuu shirkada DP World ka codsado in la tuso nuqul ka mid ah heshiiskii DP World iyo Somaliland.

Sida wararka duulduulka ah ee ka imanaaya guriga Madaxweyne ku xigeenka ay tibaaxayaan, DP World si hees-jees ah ayay Saylici ugu yidhaahdeen, “waxaanu heshiis la saxeexanay dawlada Somaliland ee aad adigu madaxweyne- ku xigeen ka ahayd, waxaanay noola muuqataa inaad nala kaftamayso marka aad na waydiisanayso nuqul ka mid ah heshiiskaas in aanu ku siino. Malaa waad nala kaftamaysaa, haday kaftan iyo is yeel-yeel kaa tahayna Waa mid aanaan ku qosli karin. arin”

Waxay intaa u raaciyeen, “waxaase jira arimo aanu saluugsanayn oo ka Mid ahaa waxyaalaha heshiiskaas ku qoran oo laftiinu [Somaliland ahaan] aanu idinka rabnay in aad fulisaan, warqad arintaa ku saabsana aanu idiin soo dirnay laakiin aydaan weli fulin.”

Waana waxyaalaha fajacisada ku noqday Abdirahman Saylici ee uu kala kulmay Imaaraadka.
In kastoo aakhirkii baryootan iyo waar Ha na fashilina uun talo kusoo ururtay, hadana waxay mar kale ku adkaysteen Imaaraadku inay Madaxweyne ku xigeenka siiyaan ama u copy gareeyaan warqad hore oo waqtigii xukuumadii Siilaanyo ay DO World u qortay dawladii Somaliland taas oo ku xusuusinayeen ila waajibaadkaas.

Saylici waxaa la sheegay inuu dareemay in isagii daalac loo raacay, waxaanu ku soo guryo noqday dalkiisa.
Sida ay u qoran yiin wararka aan ka helay arinkan ayaa sheegaya in lagu waaniyay Ku xigeenka in dawladiisa laga rabo inay fuliso waxyaalo pre-requisite u ahaa heshiiska oo markaa shuruudahaas uun loo daabacay.

Ilaa hada laakiin cid haysaa Ma jirto 
nuqulka heshiiska rasmiga ah ee DP World iyo Somaliland wada galeen.
Dawlada UAE iyo DP World, waxa kale oo la sheegay inay ku goodiyeen, in haddii dawlada Somaliland ay isku daydo inay asaraartan ka keento heshiiskaas ay taasi keeni doonto in DP World ay dacwad garnaqsi ah ka furato magaalada London, sida ku xusan qodobo ku qoran heshiiska oo ay sheegeen.

Saylici waji-gabaxaas baa ka soo qabsaday Imaaraadka.
Sidaa daraadeed, Muse Biixi isagoo arintaa daba taagan ayuu u kicitimay dalka imaaraadka, waxaana wararku sheegayaan in ku talo galkiisu yahay inuu ku yidhaahdo DP World iyo dawlada Imaaraadkaba Waar ama documents kii I tusa ama dib iila heshiiya ama hadal ujeedadiisu tahay u yabxeerin ah Hadii kale heshiiska waanu dadafaynaynaa oo dib ayaan Parliament ka u hor keenayaa.

Arintaa waxay DP World kaga jawaabtay baa la leeyay si degan iyadoo tidhi Waxaa ku jira heshiiska qodobo la xidhiidha talaabooyinkii laga qaadi lahaa darafka ka baxa heshiiskan oo kalifi karta in aanu maxkamad ka furano dalka Ingiriiska.

Halkaas ayaanay xaaladu maraysaa, Carabtiina Muse dheg uma jalaqsiine igu sawir bay la ciyaareen Muse, isna Sawir ka kama baaqsane sidii Maahmaahda Soomaaliyeed tidhi ‘Orgi Soobir ah iyo Midi Saawiri Midna Gawrac kama Baaqsato’

U fiirso Xog La’aanta iyo iska war-qab la’aanta xukuumada Muse Biixi: mar la waydiiyay Muse Biixi miyaa la kireeyay mise waxbaa lagu bedeshay Saldhiga Berbera, Muse wuxuu ku jawaabay Waa la kireeyay, balse Sacad Cali Shire waraysi kale oo uu bixiyay wuxuu dheegay lama kirayne waxbaa la dhaafsaday, isagoo isla interview gaas ku yidhi malaha madaxweynuha wuu cusubyoo waan la brief garayne lama kirayn saldhiga. Cajiib saw maaha?

Halkaa Waxaa ka Muuqata dhawr arimood:
1. Madaxweyne Muse Biixi Ma hayo war iyo wacaal iyo documents midna iyo xataa internal intelligence.
2. Saylici ma hayo wax documents ah, Waa isagaaba dawladii hore ku jiraye.
3. Parliament keenu ma hayo document rasmi ah, waxay ansixiyeena Hadii la waydiiyo ninka makhaayada ka sheekaynaaya kama war badna. Waa nasiib daro. Hada Waa wakiiladii.
4. Madaxweynihii hore Waa Siilaanyo e war ma hayo ama
Maba xusuusto, xubnihii ka ag dhawaa ee deal-kan ku lug lahaana, waxay u isticmaalayaan fara ku haynta documents kaas as a negotiation chip, la xidhiidha hagbadii waayee markayagii nagu wareeji gudoomiyanimadii Hadii kale the highway.
5. Muse Biixina jahawareerka haystaa waxa weeye. Baaladaymoodka kumana dhaco inuu talaabo adag qaado.
Simply wuxuu soo xidh-xidhi lahaa dadka lagu tuhunsanyay qarinta documents kan ee qaranka ceebtan usoo jiiday.
Instead wuxuu ka door biday inuu baryo iyo gacmo hoorsi la hoos tago Imaaraadka. Igu sawir clown ka.

Bal u fiirso aayaha

 

W/Qoray Yassin Mohamed Ismail