Madaxweynihii hore Gobolka Tigray & ku-xigeenkiisii oo Gacanta lagu dhigay

0

Ciidamada Itoobiya ayaa sheegay iney gacanta ku soo dhigeen xubnihii ugu muhiimsanaa kooxda TPLF ee ka talin jiray gobolka Tigray.

General Tasfaye Aylew oo ah madaxa Hawlgalka Ciidanka difaaca Itoobiya ayaa wakaalada wararka ee ENA u sheegay in gacanta lagu soo dhigay saraakiil sare oo ka tirsanaan jiray ciidanka kuwaasoo ku biiray TPLF.

General Tesfaye ayaa sheegay in 7 xubnood oo ay ku jiraan Madaxwaynihii iyo Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee dowlad degaanka Tigray Gacanta lagu soo dhigay.

Xubnaha la qabtay ayuu magacyadooda ku kala sheegay

1-Major General Ibrahim Abduljaliil oo ahaa Madaxii hore ee adeega guud ee ciidanka Qaranka, haatana ahaa madaxa adeega kooxda TPLF

2-Major General Gabre Kidhan Gabre Mariam Madaxii hore ee qaybta isgaarsiinta ciidanka Qaranka oo hadda hawlgab ahaa kuna biiray kooxda TPLF.

3-Abay Waldu,  Madaxweynihii hore ee Degaanka Tigray

4-Dr. Abraham Takasate, Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Tigray.

5-Dr. Raday Barhe Madaxii Hore Hanti dhawrka guud ee Deegaankaasi.

6-Dr. Mulu-geeta Yirga, Madaxii hore ee Wakaalada tirakoobka.

7-Ikubay Barhe madaxii hore ee dabagalka Arrimaha diimaha.

8-Getchew Tafare madaxii hore ee xafiiska Madaxwaynaha deegaanka tigray ee Qaybta Dhisida Nabada.

9-Marwo Kiros Hagos madaxii hore ee Arrimaha bulshada