mailatariga suudan o Ex Madaxwayne Albashiir u gacan galinaya maxkamada caalamiga ah,

0

Millateriga xukuma waddanka Suudaan ayaa go’aansaday in madaxweynihii hore Cumar Xasan Al-Bashiir, loo dhiibo Garsoorayaasha maxkamadda Caalamiga ah ICC ee fadhigeedu yahay Heeg.

Al-Bashiir, ayaa waajihaya dacwad la xidhiidha in uu geystay denbiyo Dagaal intii uu xukunka hayay gaar ahaana gobolka Daarfuur sannadkii 2003.

Sannadkii 1989 ayuu xukun millateri kula wareegay talada Suudaan.

Al-Bashiir, ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii ciidamada millateriga Suudaan ay xukunka ka tuureen bishii Abril 2019.