Maraykanka Oo Ammaanay Hannaanka loo Keydiyo Dukumentiyada Ka Soo Baxa Dawladda Somaliland!

0

Dawladda Maraykanka ayaa shaacisay Dukumantiyada ka soo baxa Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan kuwa Dhalashada, Guurka  iyo Dhimashadu ay leeyihiin Nidaam wanaagsan oo loo Kediyo.

Sidaasna  waxa lagu sheegay qoraal Wasaaradda Arrimaha Dibadda  Maraykanku ay ku baahisay  Shabakadeeda Internetka oo ay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA soo xigatay, waxaanay wasaaraddu  qirtay in Dukumentiyada Dawladda Somaliland ee ay ka mid yihiin  shahaadooyinka Dhimashada, Guurka  iyo Dhalashadu ay yihiin qaar sugan  oo loo keydiyo hannaan wanaagsan oo la aqbali karo, marka uu qofku ku soo dalbanayo dal ku-galka Maraykanka.

Warku wuxuu intaas ku daray in Dukumentiyada Somaliland, marka qofku soo gudbisto, kaliya la dhaarin doono si loo sii xaqiijiyo sugnaanshaha dukumentiyada uu sito.

Dhawaaqa ka soo yeedhay  Dawladda  Maraykanka ee ay  ku ammaaneen  dukumentiyada ka soo baxa JSL, ayaa muujinaya horumarka iyo  maamul wanaagga Somaliland muujisay ee ay kaga duwan tahay dalka qalalaasuhu hadheeyey ee Soomaaliya oo Maraykanku ugu yabooho  malaayiin  doolar, hase yeeshee ku guulaystay horyaalka qarammada fashilmay ee caalamka.

Cumar Maxamed Faarax

XIGASHO; Solnanews.com