Markab Rogitaankiiisii u xaniban yahey Khilaaf soo kala dhex aley xamaaliinta dekada berbera iyo ganacsade Xarbi

0

Markab Roitaankiiisii u xaniban yahey Khilaaf soo kala dhex aley xamaaliinta dekada berbera iyo ganacsade Xarbi

Wasiirka Ganacsiga Oo La Saftay Ganacsade Xarbi Halka Oo Xaqooda Duudsiiyey In Ka Badan 800 Qof Oo Muruqmaal ah .Wasiirka Wasaarada ganacsiga Jsl Xasan Sacad Saajin ayaa soo saaray waraaq oo ku khasbaayo maamulka Dekeda Berbera iyo shirkada DP World markab uu leeyahay Ganacsatada shirkada Ganacsiga Al Xarbi taagan haabada Dekeda Berbera islamarkana sida Rashid daaadsan ah in looso xidho kaasi oo ay maamulka Dekeda Dekeda shirkada DP World hore diideen kadib markii uu ganacsadaha sheegay

inuu wax ka badelayo habkii hore ee loo rogi jiray markabkaasi Isla markaana uu diiday lacagtii xamaalka ee rogista raashinkan uu markabku sido.Ganacsade xarbi wuxuu diiday lacagta ay qaadan ururada geele A Iyo Geele B ee ka hawlgala Dekeda Berbera kuwaasi oo kamid ah xamaaliinta Dekeda Berbera waxna kasoo rogga waxna ka dejiya kuwaasi oo ilaa 1991kii ka shaqaynayey shaqadani Isla markaana markab kasta oo badeecad sida xamaala khidmadna ka qaata balse waxaa layaab noqotay kadib markii ay diideen ganacsatadu inay iska bixiyaan kharashka Xamaalka markabkaasi isla markaana uu bedelo dariiqii hore ee maraabkiibta iyo Dekeda Berbera .

Shirkada DP World ayaa warbixino hore kasoo saartay arintan oo diiday dariiqa cusub ee ay jeexayaan ganacsatadani waxayna sheegtay inay Dekeda ka hawlgalaan in kabadan 1500 oo xamaal kuwaasi shaqo adag ka haya dekeda Berbera balse inay suuragal ahayn in loo Afduubo hal qof oo ganacsade ah waxayna sheegtay inay kaalin wayn kaga jiraan shaqda ka kasocota Dekeda Berbera .

Wararka ayaa sheegaya inay shirkada alxarbi qamdigan uwado warshada Daqiiqda Alwatan oo ay saami ku leeyihiin islamarkana ay doonayaan inay saamigii ay hore ulahayeen ay ku korodhsadaan lacagta ay ka duudsiyayaan muruqmaalka Dekeda Berbera ( Xamaal) sidoo kale waxaa xusida mudan inaanay xukuumadu wax cashuur ah ka qaadin agabka kala duwan ee warshada uga soo dega Dekeda Berbera oo kamid yahay Qamadigan markabku sido oo laga samaynayo daqiiqda ay warshadu soo saarto.Kadib markii ay dawladu cashuur dhaaf usamaysay warshadan iyo agabyada uga soo daga Dekeda Berbea ayaa waxay doonayaan masuuliyiinta Shirkada Alxarbi inay ku darsadaan lacagta xamaalka miskiinka ee dekeda Berbera ee xaalado ku shaqeeyo la ogahay hadii ay cilmada noqoto iyo hadii ay dhaqaale tahayba .Arintan ayaa yaab iyo fajac ku noqotay muruqmaalka , maamulka Iyo shaqaalaha Dekeda Berbera iyo shacabka somaliland iyadoo maalmihii ugu danbeeyeyna la hadal hayey halkuu ilaa hadna markabkii xanibanayahay. Arintan ayaa hadii ay suurogasho horseedi karta khilaaf soo kala dhexgala Dekeda Iyo Maraakiibta oo la xidhiidh bixinta kharashka xamaalka oo ah wax sharci oo laysla yaqaano taasi oo ku shaqeeyaan dhamaan Maraakiibta iyo ganacstada Berbera