masar o hub kala duwan u dirtay dawalada xamar iyo somaliland o cambaareysay

0

dalka masar o ujeedo daan daansi kawada geeska afrika

– Dawladda Somaliland ayaa Cambaaraysay Hub ay sheegtay in Dawladda Masar ay ugu deeqday Dawladda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland, Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid) ayaa qoraal uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay Twitter-ka wuxuu ku sheegay inay Somaliland ka wer-wersan tahay sida Dawladda Soomaaliya ugu xad-gudbayso Cunaqabaynta hubka ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland ayaa qoraalka uu ku baahiyey Twitter-ka ku yidhi “Dawladda Somaliland waxay aad uga wer-wersan tahay Dawladda Soomaaliya sida aanay u fulinayn Cunaqabatayntii hubka ee Qaramada Midoobay.”

Wasiirku wuxuu si gaar ah u cambaareeyay Masar oo uu sheegay inay hub ugu deeqday Soomaaliya, arrintaasi oo uu xusay inay khatar  ku tahay amniga guud ahaan Gobolka “Waxaanu cambaareyneynaa Dowladda Masar oo ku xadgudubtay Cuno-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa Arrintani waxay khatar weyn gelineysaa nabadda iyo xasilloonida Gobolka..”

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland wuxuu qoraalka uu ku baahiyey ku ladhay Warqad leh Astaanta Dawladda Soomaaliya ay ku qoran yihiin Liiska Hub kala duwan, taasi oo sidoo kalena lagu xaqiijiyey in Dawladda Soomaaliya ay hub ka heshay Masar.