Masuul Sare oo ka badbaaday Qarax Dameer lagu soo xidhay oo lala maaganaa in lagu Khaarajiyo

0

Gudoomiyaha gobolka Borno ee dalka Nigeria Babagana Zulum, ayaa ka bad baaday qarax lagu soo xidhay dameer oo la doonayay in lagu dilo xili uu safar shaqo ku guda jiray.

Koox mintidiid Islaami ah ayaa qaraxa lagu soo xidhay dameer ku weeraray kolonyo gaadiid ah oo galbinayay Gudoomiyaha gobolka Borno , waxaana qaraxan la sheegay inay fashiliyeen ciidamadii ilaalada u ahaa gudoomiyaha.

Xubno ku dhaw dhaw Gudoomiyaha qaraxa ka badbaaday ayaa sheegay in kolonyadii gudoomiyaha galbinesay ka shakiyeen dameerka qaraxa lagu soo xidhay oo laamiga taagnaa kadibna rasaas ku fureen sidaasna uu ku qarxay dameerku.

Qaraxa kadib ayaa la sheegay in maleeshiyaad hubeysan rasaas culus ku fureen kolonyadii uu la socday Gudoomiyaha gobolka Borno, waxaana weerarkaasi ka badbaaday gudoomiyaha oo la doonayay in lagu dilo.

Gobolka Borno oo muslimiinta Nageria ku badan yihiin ayaa waxaa dagaalo kawada kooxda Boko Haram oo ku biirtay kooxda Daacish, waxayna kooxdaasi weeraro isugu jiri qaraxyo iyo kuwa toos ah ka fuliyeen qeybo kamid ah dalka Nigeria .