Maxa Sababay Qiimaha batroolka oo kor u kacay

0

Shidaalkanooca  Batroolka ah oo maalmihii u danbeeyay kor uu u kacay qiimihiisu,

Maalmahan u danbeeyay waxaa kor u kacay qiimaha shidaalka khaasatan batroolka oo   magaalooyinka Somaliland qaarkood gaadhay halkii Litir  hal Doolar iyo sanaaati,

Shirkadaha  wadanka shidaalka Keena  oo aanu qaarkood la xidhiidhnay masuuliyiintooda ayaa HWN u xaqiijiyay in Kor ukacan Qiimaha Shidaalka  Khaasatan batroolka u sababay  kala Go ku Yimid Shidaalkii wadanka Imman Jiray sababtoo ah  ayay sheegeen in tangaradii  shidaalka  keeni jiray  xiligii qorshahu aha aay dib uga dhaceen , waxaana la filayaa ayaay yidhahdeen  bishan julaay 25 kii ugu horeeyay uu iman doono sida waxaa yidhi mid kamida masuuliyiinta  shirkadaha keena shidaalka oo aan doonayan in magaciisa la sheego

 

Qimaha foostada batroolka ah aya awal ahayd 138 illaa 140,  Halka uu qiimuhu gaadhay 147 illaa 150 doolar  shidaalka laga soo iibsadao Hamaha ee shirkadahu leeyihiin, iyadoo wararka qaarkoodna tibaaxayaan in 160 doolar aay gaadhay foostada batroolka ah,

Kaalamha Berbera ayaana litirkii ku iibiya xiligan 7600 oo Somaliland shilling ah halka uu labo wig ka hor ahaa halka litir 6800 somaliland shilling,

Dabcana magaalooyinka qaarkood sida burco halkii litir wuxuu gadhay 8500 somaliland shilig ah

Naaftada ayan qiimaheedu kicin oo halkii foosto waxaa lagaga soo iibsada hamaha shidaalka 116 illaa 118 doolar

Dhanka kale Mid kamida Mulkiilayasha kalamha shidaalka berber ayaa  sheegay in masuuliyiinta dawlada e haamaha shidaalku  si wanagsan ay u maamuleen una qorsheeyeen shidaalka kaydka ah eek u jira haamaha  berbera  waxaanay kaantarooleen  iibkii kaalmaha e shidaalka    iyadoo kaalintiiba loo ogol yahay in aay maalintii qaadato 10 foosto oo batroola, Arinkan ayaana  wax badan hoos u dhigay qiimihii cirka  isku shareeri laha maadama kaalin waliba  aay heshay batrool aay iibiso,

Inta badan shirkadaha shidaalka keena Somaliland  isku qiimo maaha oo shirkad waliba qiimaha aay kusoo hesho shidaalka  ayaay ku jartaa sicir kiisa, sida hada muuqatana in ku dhow %38 ama %40 aya ku kordhay qiimaha foostada shidaalka ah marka aay sii tafaariiqaynayaan kaalmuhu, waana arin layaableh foosto shidala oo intaa korodhaa, waxana marag madoon ah in kaalintii ama doorkii wasarada ganacsigu ka maqan yahay meesha waayo waxay xadidilahaayeen sicir bararkaa lagu samaynayo shidaalka,

 

Hadaba waxaana dhacda marka qul qulatooyin aay ka dhacaaan bariga dhexe iyo wadmada khaliijkaba  inta badan qiimaha shidaalku kor ayuu u kacaa waxaana laga yaabaa xasarada ka dhex oogan maraykanka iyo jamhuuriyada Iiraan in ay keento ganacsiga oo  yarada dhinckastaba  khaasatan  shidaalka  oo daruuri  ka noqday dunida casriga ah,