Maxamuud Xaashi Oo Ka Warramay Qodob Ay Dastuurka Ku Dareen Oo Maanta Caqabad Ku Ah Siyaasiyiin Uu Ka Mid Yahay

0

Aniga iyo Gabboose Maanta darna ma hayno Hungurina wuu nagu jiraa, markaa Cidna eersan mayno, Waayo? annaga ayaa samaynay, qodobkaa (in Xisbiyadu 3 ahaadaan).”

Hargeyasa (Geeska) – Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi oo Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo ka soo qabtay Xilal Wasiirnimo, ayaa ka warramay Sooyaalka Siyaasadeed ee uu dalku soo maray, waxaanu si gaar ah uga warrama jidkii loo soo maray nidaamka dimuqraadiga ah iyo Xisbiyada badan.

Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka qayb-galay Hadhimo-sharrafeed uu Musharrax reer Hargeysa ahi u sameeyay Siyaasiyiin uu ku jiro, ayaa si gaar ah isku dul-taagay Tirada Xisbiyada siyaasadda Somaliland oo uu Dastuurku ku Xadiday inay ahaadaan Saddex, inkasta oo xilligii Dawladdii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo la unkay laga yeeshay dood biyo-dhaceedu ahaa inay tiradoodu ka badato Saddex, laakiin Guddi arrintaa loo saaray ku adkaysteen inay saddex noqdaan, go’aankaasi oo ah ka la sharciyeeyay ee Dastuurka lagu qoray, hase-yeeshee qodobkaasi oo uu kaga aragti duwanaa Madaxweyne Cigaal oo doonayey in Xisbiyadu noqdaan kuwo furan, uu hadda qirsan yahay in qodobkii ay xilligaa taageersanaa isla-markaana uu gacanta ka geystay uu hadda ku noqday caqabad.

Maxamuud Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Rag badan oo Han Madaxweyne leh oo isla leh waddankan waxbaad ku soo kordhin kartaan ayaa halkan fadhiya iyo in innaga maqanba. Waxaan ka marag kacayaa Madaxweynaheenii hore Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal inuu doonayey in Xisbiyadu iska furnaadaan oo aan la xidhin, Aniga iyo Gabboose Maanta darna ma hayno Hungurina wuu nagu jiraa, markaa Cidna eersan mayno, Waayo? Xeerka annaga ayaa samaynay, qodobkaa (in Xisbiyadu 3 ahaadaan) ee Dastuurka Annagaa giijinay oo adkaynay..”