Maxkamad Maraykanka ku taalla oo dambi ku heshay Kornayl Tuke

0

Xeerbeegti Maraykan ah ayaa heshay in uu dambi gaystay nin Soomaali ah oo taxi kaga shaqaysan jiray gobolka Virginia ee dalka Maraykank, isaga oo jirdil gaystay intii uu socday dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya qaybihii dambe ee siddeetameeyadii.

Farxaan Taani Warfaa ayaa toddobaadkii hore ku makhraati furay Yusuf Cabdi Cali oo ah nin horay kornayl uga soo noqday Soomaaliya, balse hadda ku sugnan Washington DC, wuxuuna sheegay in uu jir dilay.

Cali ayaa ka mid ahaa madaxdii ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya wuxuuna taageersanaa kaligii taliye Maxamed Siyaad Barre, sida lagu sheegay xogta maxkamadda.

Bishan wixii ka horraysay Cali wuxuu wadi jiray taksiga tiknoolajiyadda la jaanqaaday ee Uber isaga oo dad badan ay jeclaysteen adeegiisa intii uu hawshaas hayay.

 

Talaadadii xeerbeegti ka tirsan maxkamadda faderaalka ee magaalada Alexandria ee gobolka Virginia ee dalka Maraykanka ayaa Yuusuf ku heshay in uu masuul ka ahaa jirdilkii loo gaystay Farxaan muddo haatan laga joogo in kabadan soddon sano, waxayna u xukuntay 500,000 oo doolar oo magdhaw ah.

 

Farxaan oo dacwaddan markii u horraysay ku soo oogay Yuusuf sannadkii 2014kii ayaa BBC-da u sheegay in uu ku faraxsan yahay go’aanka maxkamadda.

“Aad iyo aad baan ugu farxay go’aanka maxkamadda,” Ayuu yiri Farxaan.

Farxaan ayaa sheegay in ciidammada Yuusuf ay gurigiisa oo waqooyiga Soomaaliya ku yaalla ka afduubteen sannadkii 1987.

Bilihii ka dambeeyayna wuxuu sheegay in su’aalo la waydiin jiray, la jir dili jiray, la garaaci jiray isla markaasna xabbad lagu dhuftay iyadoo awaamiirta uu bixinayay kornayl Yuusuf oo guuto xukumay.

Mayd ahaan ayaa la iiga tagay ayuu yiri Farxaan, wuxuuna sheegay in uu lacago siiyay dadkii aasi lahaaa si ay mayd kale booskiisa ugu badalaan.

Warbaahinta CBC ee dalka Canada ayaa markii u horraysay ku baahisay warbixin ay kornaylkan uga hadlayso sannadkii 1992, taas oo faahfaahin ka bixisay eedaymaha Farxaan loo soo jeediyay ee sheegaya in uu dil iyo dhibaatooyin kale u gaystay boqollaal ruux intii uu u shaqaynayay dawladdii Maxamed Siyaad Barre.

 

Marka warbixintaas la baahinayo Kornaylku wuxuu ku noolaa Canada wuxuuna waardiye ka ahaa Toronto.

Warbixintaas dheer ayaana lagu soo bandhigay dhawr goobjooge oo ka soo jeeda gobollada waqooyiga Soomaaliya kuwaas oo ku eedeeyay in uu Yuuus amray dilal arxan darro ah, kornaylka ayaa ku magac dheer Tuke.

Waxyar ka dib Cali ayaa laga masaafuriyay Canada sida ku cad waraaqo maxkamadeed isaga oo lagu eedeeyay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Maraykanka ayaa isna billaabay qorshe uu ku tarxiilayo Yuusuf Tuke, balse dalkaas ayuu ku laabtay sannadkii 1996. Ma cadda sida uu dib ugu laabtay dalkaas.

Wasaaradda amniga gudaha oon la xiriirnay jawaab degdeg ah kama bixin arrintaas.