Meydadka muhaajiriin Itoobiyaan ah oo laga helay Kunteenar dalka Mozambique

0

In ka badan 60 qof oo la tuhunsan yahay inay yihiin muhaajiriin aan sharci wadin oo ka yimid dalka Itoobiya ayaa meydadkooda maanta laga helay konteenar baabuur xamuul, gobolka Tete ee waqooyiga galbeed ee dalka Mozambique, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Isbital ku yaalla halkaas.

“Baabuur xamuul ah oo safrinayey muhaajiriin la tuhunsan yahay inay yihiin Itoobiyaan, kana yimid dalka Malawi, ayaa lagu joojiyey buundada lagu cabiro culeyska rarka baabuurta ee Mussacana, waxaana laga helay meydadka 64 qof. Kaliya 14 ayaa ka bad-baaday,” ayuu yiri sarkaalka oo la hadlay wakaaladda wararka AFP, balse codsaday inaan la magacaabin.

“Sababta dhimashada dadkan ayaa loo malaynayaa inay tahay neefta oo ku xirantay,” ayuu yiri.

Dhibanayaasha ayaa waxay ku jiraan konteenaro buluug ah oo uu jiidayey baabuur xamuul ah, sida ka muuqata sawirro ay heshay AFP.

Mozambique ayaa inta badan loo arkaa xarunta dadka muhaajiriinta ah ee doonaya inay galaan dalka Koonfur Afrika.

Koonfur Arika, oo ah dalka ugu dhaqaalaha wanaagsan qaaradda, ayaa waxaa usoo haajira dadka saboolka ah ee dalalka deriska ah sida Lesotho iyo Zimbabwe, iyo sidoo kale kuwa ka imanaya dalal fog, sida Ethiopia oo kale.