Nin Isagoon Xidhnayn jaakada xabada Celisa u Badgeedhay in uu Waxkasoo badbaadiyo Hotelka D2 ee qaraxyadu ka dhaceen Kenya

0

nayat Kassam oo aan xirneyn jaakadda xabbadda celisa ayaa isagoo bistoolad gacanta ku haysta ka qayb qaatay samatabixinta dhibbanayaasha weerarkii Talaadadii lagu qaaday dhismaha hoteelka Dusit.

Balse ma aha markii ugu horreysay ee uu u bareero khatarta weerarrada noocan oo kale ah.

Kassam ayaa ka qayb qaatay badbaadinta dadkii ku xayirnaa Westage Mall, oo la weeraray sanadkii 2013. Wuxuu sheegay inuu badanaa nasiib u yeesho wax ka qabashada xaaladaha adag.

Mar wax laga weydiiyay haddii uu weligii ka fekeray noloshiisa marka uu ku jiro meelaha khatarta ah ayaa wuxuu Kassam yiri “haa waan ka fekeraa, laakiin waxaa muhiim ah badbaadinta dad badan”.

Talaadadii, Kassam wuxuu ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee u guntada badbaadinta boqollaal dhibbane ah.

Wuxuu haystaa bistoolad sharciyeysan, waana tababare dadka bara sida loo qabto qoriga, gaar ahaanna toogashada dhow.

Weriyaha Kenyaanka ah Jeff Koinange ayaa bartiisa Twitter-ka ugu yeeray Kassam “geesi dhab ah”

Kassam wuxuu dhigaa casharro ku saabsan isdifaacidda, kuwaas oo uu siiyo shakhsiyaad iyo hay`adaha ammaanka.

Waa ninka keliya ee sharciga u haysta tababarka hubka ee ku sugan Afrika, marka laga reebo Koofur Afrika.

Markii dhawaqa qaraxa iyo rasaasta laga maqlay dhismaha hoteelka Dusit, Kassam ayaa la arkayay isagoo gacan ku haysta bistoolad gacanta kalena ku haya qof uu soo badbaadiyay. Funaanaddiisa waxaa ku yiil dhiig ka soo gaaray dad ku dhaawacmay qaraxa.

Kooxda Al Shabaab ayaa saacado kaddib sheegtay mas`uuliyadda weerarka. Si ka duwan weerarkii Westgate oo qaatay in ka badan afar maalmood, soo afjaridda weerarka hoteelka Dusit ayaa qaatay wax ka yar intaas.