Qarax Khasaare Dhimasho & Dhaawaca geystay oo Ruxay Muqdisho+Qofka Qaraxa lagu waday

0

Qarax nooca miinada dhulka lagu aaso oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa  ka dhacay inta u dhaxeysa Ex-Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim iyo Isgooska KM-4 ee magaalada Muqdisho.

Sida aan wararka ku helnay qaraxan miino oo hareeraha laamiga la dhigay ayaa lala eegtay gaadh nooca dagaalka ay saarnaayeen ciidamo katirsan kuwa Asluubta oo xiligaasi laamiga marayay.

Qaraxyada miino ee la dhigo hareeraha wadooyinka ayaa maalmahan kusoo badanaya magaaalada Muqdisho, waxaana habeen hore qaraxan oo kale lala eegtay gaadhi uu lahaa Afhyaeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya oo marayay agagaarka Iskuulka 21-October

Mas’uulkii Ka Bad baaday Qaraxaa

Wararka ugu dambeeya Qarax Miino oo ka dhacay Muqdisho ayaa waxa lasoo sheegayaa in dhimasho iyo dhaawac uu geystay.

Gaadiid ciidamada Asluubta wateen ayaana la sheegay in la qarxiyey,waxaana lasoo sheegayaa in Taliyaha Asluubta General Mahad Cabdiraxmaan Aadan uu ka bad baaday.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada degmada Hodan, Cabdikaafi Yuusuf Nuur ayaa saxaafada u sheegay in Afar qof ay dhinteen,waxaana ku dhaawacmay shan kale oo Askar ubadnaa.

Gaariga Uu Qaraxa haleelay ayaa ahaa Cabdi Bile,balse Baabuurka Taliye Mahad oo qaraxa lala rabay uu ku xigay Cabdi bilaha qarxay.

Mooto Bajaaj Darawalkeeda waday ayaana la sheegay in Qaraxaasi uu ku dhintay meesha xilli uu marayey.

Al Shabaab ayaa sheegtay Weerarkaasi Qarax waxaana lasoo sheegayaa in ay Askar badan ku dileen Qaraxaasi.