Shacabka Algeria Waxay Ina Barayaan Taariikhda Sida Loo Sameeyo Adoonnolosha Burburin

0

Wadanka Algeria oo dadkiisu ay yihiin shacab horumarsan oo waxbartay ayaa waxay sameeyeen dibad baxyo ay kaga soo horjeedan

inuu mar kale isa soo sharxo Madaxweynaha talada haya oo da’diisu tahay 82 jir xaaladiisa caafimaadna aanay fiicnayn iyadoo mudo 20 sano uu xukunka hayey balse xaalad caafimaad awgeed aan hadlin mudo dheer isla markaasna lagu riixo kursi wheelchair

Shacabka Algeria ayaa dooda ay ka qabaan Madaxweynahoodu waxay soo jiidatay guud ahaan caalamka oo dhan waxanay ku doodayeen madaxweynuhu inaanu gudan karin waajibkiisa shaqo hawlaha uu shacabka u hayo mudo dheerna ay u soo samreen xaaladiisa caafimaad hadana loo baahan yahay inaanu mar kale isa soo sharxin

Madaxweyne Abdiaziz Bouteflika oo shalay uun soo gaadhay wadankaas kana soo noqday baadhis caafimaad oo rootini ah ayaa wuxu ku dhawaaqay inuu garawsaday codka shacabkiisa isla markaana uu ka noqday is sharaxaadii hore loo sheegay wuxuna kala diray xukuumadii hore waxanu doortay raiisal wasaare cusub waxa ay baahisay warbaahinta wadankaasi inuu madaxweynuhu dib u dhigay doorashadii isla markaana wuxu ubalan qaaday shacabka Algeria inuu ixtiraami doono rabitaanka shacabka doorasho xor ah oo xallaal ahna qaban doono

Wadanka Algeria oo ku yaala waqooyiga Africa ahna shacab asal ahaan carab muslim ah ayaa waxay yihiin shacab tacliinta iyo xadaarada ka horumarsan oo leh usus qoomiyadeed oo taariikh weyn ku leh halgankii gumaysiga iyo xornimo doobka waxa maantana ay sameeyeen mar kale taariikh sida shacabka Algeria aanay ugu kala qaybsamin inay dowladnimada Algeria dib loo soo nooleeyo oo madaxweyne shaqaynaya ay helaan iyo sida wanaagsan ee madaxwenahoodu uga jawaabay rabitaanka shacabka sidaas oo kale waxa doir shariif ah muujiyey ciidamada iyo amniga wadankaas oo barbar istaagay dibad baxyada shacabka

Algeria waa wadan soo saara gas iyo petroleum badan oo culays iyo miisaan weyn ku leh wadamada reer galbeedka halka qaarada Africa uu ka yahay wadan hormuud u ahaa midowga Africa iyo qaadhan bixinteeda

Somalidu waxay ka baran kartaa midnimada shacabku inay wax walba goynayso iyo in shacabku isku dan yahay
Mustafa Ismaaciil Dhinbiil

sabah.hussein7@hotmail.com