Sheekh Ismaaciil Dheeg Oo Sheegay Inuu Dalka Turkiga Kusoo Arkay Xaafad Booli Qaran Layidhaa Oo Masuuliyiin Somaliland Ahi Guryo Ka Dhisteen

0

Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre (Ismaaciil Dheeg) oo ka mid ah culimada waaweyn ee Somaliland ayaa si adag u dhaliilay nidaamka siyaasadeed iyo dhaqaale ee xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi dalka ku maamusho isaga oo dhinaca kale xukuumadihii kala dambeeyey ee KULMIYE ku eedeeyey halka ay mareen Boqollaal Guri oo dan guud ahaan oo ku kala yaallay xaafadaha shacabka iyo Indian Line-ka ee Magaalada Hargeysa iyo waliba sidoo kale isaga oo wax laga xumaado ku tilmaamay dhacdo uu dhawaan dalka Turkiga ka maqlay oo ah in ay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ku taallo xaafad loo bixiyay Booli Qaran oo ah goob ay guryo waaweyn ka iibsadeen saraakiil hore xilal uga soo qabtay Somaliland.

Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre (Dheeg) oo shalay khudbaddii salaadda Jimce ee Masaajidka Alnuur ku soo qaatay Arrimo badan oo dalka ku saabsan waxa uu si gaar ah diiradda u saaray dhibaatada Musuqmaasuqu ku hayo waddankeena iyo sida ay umadda u dayaceen cidda hadba masuul looga dhigaa waxaanu Bulshada ku boorriyey in ay fadhiga ka kacaan oo ay dadka ay xilalka u dhiibteen la xisaabtamaan. Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre waxa uu wasaaradda hawlaha guud u diray su’aal waxaanu waydiiyay in umaddu ka sugayso inay jawaab uga keenaan halkay ku dambeeyeen dhawr boqol oo guri oo ku yaallay shacabka ilaa Hindiya Laynka. Sidoo kalena ay faahfaahin ka bixiso siday guryahani ugu kala maqan yihiin wasiirro hore iyo masuuliyiin kale. Isaga oo carrabka ku adkeeyey in haddii ay wasaaraddu arrinkan ay jawaab ka bixin weydo loo arkayo wasaaradda lafteeda la-tuhme eedaysan ah.

Sheekh Ismaaciil Dheeg oo hadalkiisa sii wataa waxa uu baaq u diray shacabka Somaliland oo uu ku dhaliilay in aanay waligood xisaabtamin ee ay yihiin ummad ciddii ay dirteen dulmayso isaga oo ku boorriyay in ay fadhiga ka kacaan oo ay xisaabtamaan, waxaanu yidhi: “Maxaynu u xisaabtami la’nahay? Wallaahi haddaynaan xisaabtamin tallaabo qaadi meyno”

Dhinaca kale Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre (Ismaaciil Dheeg) waxa uu wax lala yaabo ku tilmaamay Xaafad dhan oo ku taalla magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga oo uu sheegay in loo bixiyay Booli Qaran taasi oo ay rag dalkan xilal ka qabtay ka dhisteen guryo waaweyn oo hantidii umadda ah, waxaanu ka digay in dadka umadda dhacay ama xukunkooda ku takri falaya lagu difaaco qabyaalad waxaanu yidhi: “Qabyaaladdu waxa ay inoo noqotay sanab ilaahay sokadii la caabudo”. Ayuu yidhi Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre.