Shirkadda DP World iyo Dawladda Somaliland
waxay toddobaadkan gudihiisa kala saxeexdeen heshiis kusaabsan dhismaha
iyo hirgalinta deked cusub ( deepwater port) oo laga dhsidoono NDayane,
kaasoona qayb ka noqon doona Heshiiska 50ka sannadood ah ee DP World
lagu siiyay Maamulka Dekedaha Dakar
Dekedda cusub ee labada dhinac ku heshiyeeyn in la hirgaliyo waxa laga dhisi doonaa meel Dekedda Dakar u jirta ilaa 50 Km unadhaw Gegeda Diyaaradaha ee Caalamiga ah Blaise Diagne . Sida uu dhigayo Waxkadala Heshiiska Gacan kuhaynta Dekeedda ee 2017, muddada heshiiska waxay koobsan doontaa 2 muddo oo min 25 sannadood ah oo ka bilaabmidoonta taariikhda ay dakedda cusubi si rasmi ah u bilawdo hawl-galkeeda .
Dekedda Ndayane waxay kor u qaadi doontaa doorka iyo ahmiyadda weyn
ee Dekedda Dakar u leedahay isku socodaka ganacsiga iyo maraakiibta u
kala gudba galbeedka iyo woqooyiga galbeed ee Afrika. Sidoo kalena
hirgalinta Dekeddani waxay gacan kagaysan doonaa ka midho dhalinta
qorshayaasha horumarinta dhaqaalaha Sinigal, oo uu hormoodka u yahay
Mudane, Madaxweyne Macky Sall.
Heshiiska Shirkadda DP World legula galay gacan ku haynta maamulka
Dekedda Dakar, waxa ka mid ahaa dhismaha deked cusub oo gaar u ah
Konteynarada oo qayb ka ah balaadhint dekedda Dekar. Haseyeeshee, kadib
wada tashi ay wada yeesheen Madaxweynaha Sinigal, Mudane Macky Sall, iyo
Mudane Suldan Ahmed, Gudoomiyaha Shirkadda DP World, waxay isku
afgarteen in hormarka Sinigal u baahan yahay in dekad cusub laga dhiso
meel ka baxsan Dakar.
Kadib gorfeyn iyo wadahadal qotodheer, Wasiirka Wasaaradda
Kaluumeysiga and dhaqaalaha Badda ee Sinigal, Mudane Alioune Ndoye;
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Dekeda Dakaar, Abuubakar Sediq Beye, iyo
Gudoomiyaha Shirkadda DP World waxay kala saxeexdy heshiisyadan wadada u
xaadhay dhismaha iyo hirgalinta dekedda cusub
Shirkadda DP World Dakar SA, oo ah Shirkad wadaag ( joint venture)
Sinigal ka aasaasan oo ay wada leeyihiin Shirkadda DP World iyo Hayadda
Dekedda Dakar
( PAD) ayaa fulindoonta dhismaha iyo hirgalinta barxad dakaded 300
oo Higtar ah oo u gaar ah rarka iyo dejinta Konteyrada; oo sidoo kalena
fulindoonta maalgalinta, nashaqadaynta iyo dhismeyaasha dhulka iyo
kaabayaasha badda (maritime infrastructure) ee Dekedda cusub oo 600 oo
Higtar ah . Fulinta Wejiga koowaad ee mashruucan wuxuu ku kacayaa $837
milyan oo Doolarka Maraykanka ah, waxaana maalgalindoona shirkadda DP
World Dakar, taasi oo ana ah maalgashiga ugu weyn ee gaarka loo leeyahay
ee soo mara taariikhda Senegal. Kadibna waxa xigi doona fulinta Wajiga
Labaad ee mashuruuca oo ooy ku bixi doonta maalgalin dhan $ 290 milyan
oo Doolarka Marayakanaka ah
Wejiga 1aad ee mashruucu wuxuu noqon doona dhismaha dekedda cusub ee
konteynarada oo oo ka kooban 840m oo deked ah ( quay) iyo kanaal (
Marine Channel) cusub oo 5km ah oo loogu talagalay rarka iyo dejinta
maraakiibta dhererkoodu yahay 366m, iyo waliba maraakiibta
konteynarrada ee ugu waaweyn adduunku. Wejiga 2aad ee mashriicuna wuxuu
dekedda konteynrada ku kor dhindoonaa 410m iyo kanaalka oo la dheereeye
lana gaadhsiiyo in ay ku soo xidhaan maraakiibta dhererkoodu gaadho
ilaa 400m.
Wejiga koowaad ee terminalka kontaynarrada Ndayane wuxuu ka dhanac
shaqayn doonaa dekedda shaqaysa ee Konteynrada ee Shirkadda DP World
Dakar. Maadaama oo yoolka Dawladda ka leedahay mashruuca hirgalinta
Dekedda Ndayane uu yahay in helo deked awood u leh in 100ka sannadood ee
soosocda ay didiso dhammaan adeegyada dekedaha ee looga baahdo gudaha
Sinigal, Dakadda Konteynrada ee la dhisidoonaa waxay deked 3 km iyo
dheeraad ( Quay) ah ioo leh barxadda konteynarada oo 300 oo Higtar.
Tanina waxay suurtogal ka dhigi doontaa in Dekedda hadda jirta ee Dakar
lagu sameeyo dib u habayn oo laga hirgaliyo hudheelo iyo goobo ganacsi
ku jeedda badda, iyo deked dalxiis (residential and commercial
waterfront and cruise terminal).
Shirkadda DP World waxa kale ooy qorsehyneysaa inay Dekadda Ndayane
ka dhinac dhisto Aag Ganacsiyeed Cashuurta ka caagan si ay u kobocda
awoodda Sinigal ay ku soo jiidan karto maalgashadayaasha shisheeyaha ah
ee isha ku haya ama danaynaya suuq ganacsiyeedka ECOWAS. Hirgalinta
Aaggan Ganacisyeedka Cashuurta ka caagan oo ay ku agyaalaan Dekad casr
ah iyo gego diyaaradeed caalami ahi waxay gacan weyn ka gaysandoontaa
koboca dhaqaalaha iyo abuurida fursado shaqooyin oo mustaqbalka
faa’iido weyn u ah muwaadiniinta Sinigaal
Sheek Kante, Wasiirka Madaxtooyada, ahna ergeyga gaarka ah e Madaxweyanahu,
wuxuu yodhi: “Dhismahadekedda cusub ee Ndayane wuxuu gayaysiin doonaa
Singal inay adkeysato booskeeda ama kaalinta muhiimka ah ee ay ku
leedahay isu-socodka ganacsiga badda ee gobolka, waxayna kaalin mug leh
ka qaadataa xaqiijinta hamiga Qorshaha Soo Dedejinta Horumarinka
Sinigal ee Madaxweyne Maky Sall.
Alioune Ndoye, Wasiirka Kaluumaysiga iyo Gacansiga Baddad, wuxuu yidhi: “Dekedda
Ndayane oo qaybweyn katahay mashruuuca dekeddu , wuxuu dalkeenna u
horseedi doontaa in uu la soo noqdo ama soo ceshado doorkiisii
hoggaamineed, maadaama oo goobta ay ku taalo tahay goob ahmiyad gaar ah
leh, oon iyadoo kalena laga heli karin meel kale oo kamid ah dalalka
gobolka ah. Maadaama oo ay ku taalo goob udub dhexaad u ah isku xidhka
isu socodka ganacsiga badda ee Gobolka, dakaddani waxay noqon doontaa
xudun koboc dhaqaale, waana mid ka turjumaysa kuna salaysan hamigii
Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Macky Sall uu ku kalahaa dejinta
qorshaha soo nooleynta Siniga (Senegal emergent) ee ujeedkiisu ahaa in
wadan keenu noqdo xaruna soo jiidaata isu socodka gaadiidka iyo
gacansiga (an integrated and competitive logistics hub)
Abuubakar Sidiq Beye, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Dekedda Dakara, wuxuu yidhi: “Hirgalinta
dekedda cusub ee Ndayane waxay inaga saacidi ka midho dhalinta wajiga
labaad ee qorsha Soonooleynta Sinigal ( the next phase of the Plan
Senegal Emergent”.
Suldan Ahmed bin Sulayem, Guddoomiyaha , ahna Maareeyha Guud ee Shirkadda DP World,
ayaa isagina yidhi: “Tani waxay noqon doontaa maalgashiga dekedeed ee
ugu weyn ee DP World ee Afrika illaa maanta, waxayna caddeyn u tahay
sida aan ugu heellannahay Sinigal iyo aaminsanaanta aan aaminsnahay in
Sinigal diyaar u tahay gaadhidda koboc dhaqaale oo dheeri ah. Dekeddan
cusub waxay u horseedeysa fursado shaqo abuur, in dalku soo jiito
maalgashi toos an oo shisheeye oo cusub, iyo fursado ganacsiyo kale oo
cusub, kuwaasi oo soo kordhin doonaa ilaha dhaqaale ee dalka . Waxaan
jeclaan lahaa inaan uga mahadceliyo Mudane Madaxweyne Macky Sall,
hogaamintiisa iyo himiladiisa horumarinta dekedda, iyo inuu nagala
shaqeeyo mashruucan ahmyadda gaarka ah ku fadhiya.
Sinigal waa waddankii labaadh ee dhawaan ku biirey World Logistic
Passport, oo ah dhaqdhaqaaq ay yagleeshay Dubay ujeedkiisuna yahay kor
uqaadidda isweydaarsiga ganacsi u dhexeeya suuqyada soo koraya, iyo in
ay xoojiso Dubay doorkeeda hogaamineed ee iskuxidhka ganacsiga Afrika.
World Logistics Passport waxa loo aassasey si looga takhaluso ama loo
suuliyo caqabadaha ganacsiga aduunka , sida caqabadaha dhanka gaadiidka
iyo isku socodka ,ee wakhti xaadirkanna xanibtey ama hortaagan koboca
ganacsiga u dhexeeya suuqyada soo koraya
-DHAMMAAD-
Wax ka ogow Shirkadda DP World
Waxaan nahay hormoodka suurto galiyaha isu scodka shixnadaha
ganacsi ee caalamka. Waaanu leenahay Waxsoosaar iyo adeegyo baaxad weyn
oo uu dhammeystiran oo koobsnaya is ku xidhka ganacsiga ee badda iyo
dhulka, adeegyo dakadeed iyo aagag warshadeed, iyo sidoo kale xalal ku
slaysan ticknooljiyada casriga ah oo ku salaysan baahida
macaamiishayada.
Waxaan adeegyadan ku fulinaa shabakad caalami ah oo iskuxiran oo
ka badan 128 hawlgal oo ka jira in badan 60 waddan oo ku kala baahsan
lixda qaaradood ee adduunka, iyadoo joogitaankayagaasina saamayn
ballaaran ku leeyihiin kobaca gancsiga iyo koritaanka sayadaha
ganacsiga . Meel kasta oo aan ka shaqeyno, hawlgaladayada waxa sal u ah
wax ku oolnimo ( sustainability) iyo masuuliyad muwaadinnimo ee
shirkadeed, si aanu gacan uga geysano horumraka dhaqaalaha iyo bulsho ee
goobaha aan kunool nahay ee aan ka shaqeyno.
Shaqqaahayga xirfadaha kala duwan ee ku sifeysan heellanaant oo
ah in kabadan 53,000 oo shaqaale ah oo ka kala socda in kabadan 133
waddan ayaa heegan u ah inay u adeegaan oo adeegyadayada gaadhsiiyaan
macaamiisha qiimaha weyn noogu fadhiya . Waxaan tan u sameyneyn si aan
uga turjunno dhismaha xidhiidh ay ka wada faa’iideysan karaan dhinacyadu
– ha noqoto dowlado, maraakiibta, ganacsatada, iyo daneeyayaasha kale
ee ku weheliya silsiladda isu socodka shixnadaha ee adduunka –
xidhiidhadaas oo ah kuwo ku dhsian isfaham, is aaminaad iyo iskaash
joogto ah.
Waxaan ka fikirnaa mustaqbalka, higsanaa isbedel iyo yagleelidda
suuq ganacsi xambaarsan tikniyoolajiyad casriga ah horseeda xalal iyo
hal abuuro ganacsi ku slaysan caqli iyo hufnaan, iyo ina aan xaqiijino
in hawlgaladayadu noqdaan kuwo saameyn togan oo waarta ku yeesha
dhaqaalaha, bulshada iyo deegaankeenaba .