shirkii dalada Ganacsatada sofa oo la doortay hogaan cusub

0

Berbera, [ Biyoguure news.com]Saaka Sibixii hore waxa hottel Maansoor ee berbera ka furmay shirkii dalada ganacsatada somaliland ee SOFA ,shirkan ayaana lagu dooranayay hoganka labada sano ee soo socda, Waxana Kasoo qaybgalay gudoomiyaha rugta gancasiga somaliland , masuuliyiinta gobolka iyo degmada berbera iyo ganacsatada xubnaha ka ah dalada sofa ee ganacsatadu ku midowday,

Shirku hada ayuu soo dhamaaday waxana la doortay 13 xubnood oo boodhka ah iyadoo aay iskasoo doorteen gudoomiyihii dalada ee labada sano ee soo socda oo loo doortay Mustafe cabdi ciise , xogahayana waxaa loo doortay Maxamed Ibraahin halka gudoomiye ku xigeena loo doortay Buux cabdiraxmaan,