Shirwayn oo hargeysa ku dhexmeray Dawlada Ethiopia iyo dawlada Somaliland

0

Qoraal ka soo baxey wasaarada arrimaha gudaha Somaliland ayaa lagu yidhi “Kulan lagaga hadlayay Sii-xoojinta Amniga bariga Africa oo kafurmay caasimada Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa…..Shirkani oo ahaa mid lagaga wada hadlayay Sii-xoojinta amniga iyo Nabadgalyada Dalalka Somaliland iyo Ethiopia, Shirkani oo ay kasoo qaybgaleen Masuuliyiin ka kala Socda Dalalka Somaliland Iyo Ethiopia, oo ay kamid ahaayeen Wasiirka Arimaha Gudaha Somali-land Maxamed Kaahin Axmed, Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL Sarreeye Gaas Nuux Ismaciil Taani, Taliyaha Ciidanka Socdaalka Sareeye Guuto Maxamed Cismaan Caalin, Taliye

kuxigenka ciidanka booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdi Xasan, Wasiirka Gaashaandhiga Cabdi-qani Maxamuud Caateeye dhinaca Dalka Ethiopia ayaa waxa iyaguna kulankani qayb ka ahaa Hogaanka

Nabadgalyada DDS Dr Xuseen Xaashi Qaasim, Taliyaha guud ee ciidanka xooga gaarka ah ee Liyuu booliska, Genaraal Maxamed Axmed Muxumed, Wasirka xafiiska waraabka iyo dooxooyinka DDS Mudane C/raxman Ciid daahir, Taliye kuxigenka Ciidanka Difaaca Qaranka Bariga Ethiopia,Kulankani oo saacado socday ayaa lagu gorfeeyay, qaabkii si wada jira looga shaqayn lahaa xoojinta amniga, maadaama Deegaanka Somalida, iyo Jamhuuriyadda Somaliland ay wadaagaan Xuduud dheer, ayna yihiin shacab walaalo ah oo wadaaga , Diin, Dhaqan, Aff, iyo Isir.”