BBC Soomaaliya ma waxay ka mid noqotay Itoobiya? somaliland na wa dal gaar u taagan

0

Dadka Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn uga falceliyay sawir lagu daabacay bogga internet-ka ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya, kaasoo muujinaya khariidadda Afrika, iyadoo Soomaaliya lagu daray Itoobiya.

Sawirka muranka dhaliyay, oo ilaa iminka aysan ka hadlin dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa durba laga saaray bogga wasaaradda, kadib markii qeylo dhaan la xiriirta ay cirka isku shareertay.

Waxaase xusid mudan in khariidadda Soomaaliya ee Itoobiya la raaciyay laga reebay dhinaca Waqooyi, halkaasoo ay ka arrimiso jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.Arrintan ayaa lagu tilmaamay mid meel ka dhac ku ah jiritaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, waxaana dadka ka fal celiyay ay sheegeen in Itoobiya ay dooneyso wax ay ugu yeereen “dhul ballaarsi”.

Dhanka kale waxaa khariidadda lasoo sawiray aan lagu muujinin Suudaanta Koonfureed, iyadoo lagu daray dalweynaha Suudaan.

Hase ahaatee, lama oga in khariidaddan la sameeyay ka hor intii aysan Suudaanta Koonfureed ka go’in Suudaan inteeda kale.

Tan iyo markii sanadkii lasoo dhaafay uu xilka Ra’iisul wasaaraha Itoobiya qabtay Dr Abiy Axmed, waxaa horumar dheeraad ah sameynayay xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, waxayna labada dal madaxdooda yeesheen shirar badan oo ay uga arrinsanayeen sidii ay horumar wada jir ah u gaari lahaayeen.

Arrinta ku saabsan in Soomaaliya iyo Itoobiya la isku daro ayey hadal heynteeda goor hore soo baxday, kadib markii warar la isla dhex marayay ay sheegeen in labada wdadan ay mustaqbalka yeelan doonaan 1 baasaboor, inkastoo aysan jirin cid si rasmi ah u sheegtay qodobkaas.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhawaan si wada jir ah u sheegay in dhaqdhaqaaqyada ganacsiga ee labada dal la isu furi doono.

Sidoo kale Itoobiya ayaa soo afjartay colaaddii kala dhaxeysay dalka dariska la ah ee Eretariya.

Qoraal lasoo dhigay bogga wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ay ku leedahay Internet-ka ayaa lagu xusay in Itoobiya ay hagaajisay xiriirkii kala dhaxeeyay waddamo aysan horay isugu wanaagsaneyn tan iyo sanadkii 1991-kii.

Waddamada lagu sheegay qormada waxaa ka mid ah Masar, Ghana, Koonfur Afrika, Aljeeriya, Nigeria iyo Rwanda.