Shirkadda Twitter ayaa sheegtay inay hadda si rasmi ah meesha uga saartay cinwaanka Madaxweyne Trump.
Barta
Twitter ayaa sheegetay in go’aankan ay gaartay ka dib markii baaritaan
lagu sameeyay qoralladadiisii ugu dambeeyay ee uu soo dhigo barta.
Waxay Shirkadda sheegay in ay jiraan walaacyo laga qabo halis sii hurin karta rabshadaha haatan ka taagan Mareykanka.
Tallaabadan ayaa imanaysa iyada oo shirkada onlinka ah ay maalmahan meesha ka saaraysay cinwaanada baahiya erayada kicinta ah ama dhibaato horseedi kara, gaar ahaan taageeryaasha Trump.
Qaar
ka mid ah sharci dajiyaasha Mareykanka iyo dadka caanka ayaa muddaba ku
baaqayay in bata twitter ay gabi ahaan meesha ka saarto cinwaanka
madaxweyna Trump.
Marwadii
hore ee mareykanka Michelle Obama ayaa khamiistii barteeda twitter-ka
shirkada kaga codsatay in ay joojiso qoraallada trump ee dhaqan xumida
ah sidoo kalana gabi ahaan meesha ka saaran cinwaanka madaxwyenaha
Trump.
Arbacadii
12 saacadood ayay xirtay shirkadda cinwaanka Mr Trump, ka dib
khalalaasihii ka dhacay xarunta congress-ka iyadoo sheegtay inuu mar
kale isticmaali karo maaddaama uu tiray saddex qoraal oo ay sheegtay
inuu meel ka dhac ku yahay siyaasadda bartaas.
Boqolaal taageerayaashiisa ah ayaa weeraray dhismaha Capitol iyagoo gudaha u galay rabshadana halkaasi ka kiciyay.
Twitter
ayaa horay ugu digtay Trump, waxayna sheegtay in gabi ahaanba meesha ka
saareyso cinwaanka Trump haddii uu baalmaro shuruucda u deggan
shirkadda.
Balse
qeybtan ayaa ugu muhiimsan warkii uu Twitter-ku soo saaray: “Meel ka
dhaca mustaqbalka ee Shuruucda Twitter, wuxuu sababi doonaa in gebi
ahaanba la mamnuuco akoonka @realDonaldTrump.”
Siyaasadda
Sumcadda Bulshada ee Twitter waxay leedahay: “Uma isticmaali kartid
adeegyada Twitter-ka si aad u farageliso doorashooyinka amaba hannaanka
kale ee arrimaha bulshada.”
Qoraallada Mr Trump ee la xiriira eedeymaha aan caddeynta loo heyn ee in doorashada lagu shubtay ayaa ka mid ah kuwa jebiya sharcigan.
Mr Trump ama qof kale oo u dhow ayaa laga yaabaa inuu tiray qaar ka mid ah qoraalladiisii ugu dambeeyay
Hagaag Twitter-ku wuxuu leeyahay shuruudo gaar u ah hoggaamiyeyaasha caalamka.
“Waxaan
garwaaqsannahay in mararka qaar iyadoo la eegayo danaha bulshada loo
oggolaado dadka inay arkaan qoraallo ay ahayd in la xannibo,” shuruucda
Twitter ee madaxda caalamka ayaa sidaas qaba.
“Haatan,
waxaan xaaladaha gaarka ah ku koobeynaa hal qeyb oo ka mid ah
qoraallada ku saabsan danaha bulshada – qoraallada ka yimaada
saraakiisha la doortay iyo kuwa dowladda.”
BBC-du
waxay la socotaa in Twitter-ka gudihiisa ay ka taagneyd dood ballaaran
oo ku aaddan in gebi ahaanba la xiro akoonka Mr Trump.
Balse
madaxa shirkadda, Jack Dorsey ayaa waxay ula muuqatay in iyadoo danaha
bulshada la eegayo loo daayo akoonkiisa, iyadoo qoraalladiisa shuruucda
jebinaya lagu lammaaninayo farriimo digniin ah, marka laga reebo inuu
Madaxweynuhu ku baaqo rabshad – taas oo ay hadda shirkaddu aaminsan
tahay inay tahay arrinta taagan.
“Cidna iskama indho tireyso,” ayuu yiri sarkaal sare oo laga soo xigtay Twitter-ka.
Balse
iyadoo ay sii dhammaaneyso awoodda ay madaxweynaha siiyeen dadka
Ameerikaanka ah, waxaa sidoo kale soo afjarmeysa xasaanadda uu ku
leeyahay Twitter-ka.
Erayadiisa
farriimaha uu ku soo gudbiyo baraha bulshada, muddada sanadaha ah,
waxay gacan ka geysteen weerarkii Arbacadii lagu qaaday Capitol Hill.
Maaddaama uu dhowaan noqonato muwaadin caadi ah, waxaa fududaaneysa in la soo saaro go’aan looga xirayo akoonka.
Facebook
ayaa isaguna hakiyay akoonka Mr Trump muddo 24 saacadood ah, waxaana
laga yaabaa inuu ka fekerayo in xayiraado dheeraad ah uu mustaqbalka ku
soo rogo.
Dhammaan
shirkadaha waaweyn ee baraha bulshada ayaa caddeeyay – in ka muwaadin
gaar ah ahaan – haddii aad sii waddo arrimo dhib keenaya amaba aad
buunbuuniso xagjirnimada, waxaad filataa in dibadda laguu saarayo. Mr
Trump kama duwanaan doono dadkaas.
Shirkadaha baraha bulshada ayaa haatanba ka war qaba in madaxweynaha la doortay Joe Biden uu aaminsan yahay in shirkadaha waaweyn ee teknolojiyadda aysan wax badan ka qaban ka hortagga wararka been abuurka ah iyo khudbadaha nacaybka ku saleysan.
Dibadbaxayaal weeraray Kongareeska kaddib khudbadii Mr Trump ee Arbacadii
Waxay haatan aad ugu kulul yihiin inay muujiyaan inay taasi awoodaan, oo ay iyagu bartooda ka yihiin booliis.
Marka la isku soo ururiyo sababahaas oo dha, Mr Trump waxaa u furan labo arrimood marka ay timaaddo mustaqbalkiisa Twitter-ka.
Wuu ka soo laaban karaa, una hoggaansami karaa shuruucda Twitter-ka wuxuuna u addeeci karaa sida muwaadin caadi ah.
Amaba in gebi ahaanba laga xiro cinwaankiisa.
Mr Trump laguma yaqaanno inuu is beddelo. Waa waxa ka caawiyay inuu gaaro heerka uu hadda taagan yahay.
Balse sababtaas darteed, waxaa adag in la sawirto sida ay isaga iyo Twitter iskula shaqeyn doonaan marka uu ka tago Aqalka Cad.