Waa Kuma Hoggaamiyaha Koox-ddii Lunsatay Dhaqaalihii Loogu Talo galay Shirkii Gollaha Dhexe Ee WADDANI?.

0

Xisbiga WADDANI oo todobaadkiisii hore shirkiisii golaha dhexe ku soo gebogeboobay Magaalada Burco, kaasi oo ahaa shirkii labaad ee golaha dhexe ee Xisbiga WADDANI uu qabsado, ayaa wuxuu hanti dhawrka guud ee Xisbigu Xasan Cod-yare  ka  sheegay madasha shirka inuu jirto dhaqaalo xumo soo waajahtay Xisbiga , isla markaana wuxuu carabka ku dhuftay in dhaqaalihii shirka loogu talo galay ay lunsadeen koox dheef doon ah oo isla xisbigaasi ka tirsan.

Xubin ka tirsan Gudida Fullinta ee Xisbiga WADDANI oo ka cudur daartay in la xuso magaceeda ayaa sheegay in xubnaha golaha dhexe ee is-diwaangeliyey ay ay ahayeen 500 oo xubnood waxaana laga qaadayey xubin kasta lacag dhan $ 240 laba boqol iyo afartan dollar, iyadoo aanay jirin cid laga dhaafayey lacagtaasi, taasi oo ay noqonayso wadarta guud boqol iyo labaatan kun oo dollar { 500 xubnood x $240= $120,000 } ,balse ay lacagtaasi kala badh aanay kusoo dhicin xafiiska Maaliyadda Xisbiga ee ay ku dhac-da kiishash dad gaar ahi ay tosheen.

Waxaanu intaasi ku daray “Guddoomiyuhu Wuu Ka War-qabaa Kooxdaas talaabana Wuu Ka Qaadayaa Dhawaan, Xisbiguna hadda wax-badan waayo arrag ayuu ka yahay…”ayuu yidhi masuul kaasi ka tirsan WADDANI oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso

Waa Kuma Hoggaamiyaha Kooxdaasi ?

Hoggaamiyaha kooxdan lunsatay lacagtii kasoo xarootay  is-diiwaangelinta shirkii golaha dhexe ee WADDANI iyo lacagtii loogu talogalay in lagu qabto shirka golaha dhexe ee WADDANI,  ayaa  lagu sheegay inuu yahay Khadar Cabdi Xuseen oo ah xoghayaha ku meel gaadhka ah ee WADDANI kaasi oo ay ku waheliyeen qorshahaasi Afhayeenka Xisbiga Barkhad Batuun iyo Guddoomiyaha Gollaha dhexe Cismaan Afgaab ,Xoghayaa gaarka ah ee Guddoomiyaha WADDANI Iidle,Cabdilaahi daamur & weliba canaasiir kale oo ay wataan

 Qaabkee Ayey U Lunsadeen Lacagtaas ?

Lacagtaasi ayaa la sheegay inay u lunsadeen si dhul jiifnimo ah iyagoo lacagaha xubnaha golaha dhexe laga qaadayey u galayey jidkooyo , isla markaana ku xawilanayey adeegyaddooda ZAADKA iyo EDAHABKA xiligii ay socotay is- diiwaangelintii xubinimadda golaha dhexe ee xisbigu, Waxaanay sidoo kalena lacago dul dhigteen qarashkii ku baxayey bilicdii xafladda , daabacadii boodhadhka, war-baahinta iyo weliba sawir-qaadihii ay soo kiraysteen