Wuxuu u wareegay dalka Cummaan kadib markii uu u qaxay Algeria.
Maxkamadda
dambiyada caalamiga ah wax dacwad ah kuma aysan soo oogin, maadaama la
rumeysan yahay in uusan wax lug ku lahaan qalalaasihii harreeyay Liibiya
2011.
Saif Al Islaam Qadaafi
Saif
Al Islaam waa 49 jir, wuxuuna si weyn u yaqaannaa luqadda Ingiriiska,
isagoo shahaadada u sareysa ee dhaqaalaha ka qaatay jamaacadda
dhaqaalaha ee London. Wuxuu ka tirsanaan jiray urur hadafkiisa ahaa inay
xoojiyaan dhaqaalaha Liibiya.
Wuxuu
hoggaamin jiray ha’yadda lagu magacaabo ha’yadda samafalka iyo
horumarinta Qadaafi taas oo wadaxaajood la gashay maleeshiyaad
Islaamiyiin ah oo dad ku qafaashay gudaha Philippines.
Waxaa lagu tilmaami jiray in uu yahay ‘wajiga casriga ah ee Liibiya’ balse sanadkii 2008 wuxuu ku dhawaaqay in uusan dooneyn in xukunka uu kala wareego aabihii.
Saif Al Islaam Qadaafi
Bishii
Nofembar ee sanadkii 2011, golihii kumeel gaarka ahaa wuxuu shaaciyay
in Saif Al Islaam lagu xiray koonfur galbeed Liibiya.
Maxkamad ku taalla dalkaas ayaa sanadkii 2015 ku xukuntay dil isagoo ka maqan dalka.
Maxkamadda
dambiyada caalamiga ah ee ICC ayaa codsatay in loo gacan geliyo Saif Al
Islaam, kadib markiii la sheegay in uu galay dambiyo dagaal.
Saif Al Islaam ayaa la sii daayay sanadkii 2017 tan iyo wixii ka dambeeyay xilligaas lama sheegin halka uu ku nool yahay.
Saacidi Qadaafi
Saacidi
Qadaafi wuxuu dhashay sanadkii 1973, wuxuu guursaday gabadh uu dhalay
mid kamid taliyeyaashii hore ee milateriga Liibiya.
Wuxuu hoggaamin jiray xiriirka kubadda cagta Liibiya, in muddo ah ayuu kabtan u ahaa xulka qaranka.
Wuxuuna markii dambe u wareegay dhinaca aflaamta, wuxuuna ku maalgeliyay 100 milyan oo dollar.
Saacidi Qadaafi
Markii xukunka laga tuuray aabihii, wuxuu u cararay Niger balse sanadkii 2014 ayaa loo soo tarxiilay Liibiya si loogu maxkamadeeyo.
Muctasim Qadaafi
Al Muctasim wuxuu dhashay sanadkii 1975-tii, wuxuu ahaa gaashaanle ka tirsan milateriga.
Wuxuu u baxsaday Masar kadib markii lagu eedeeyay in uu waday dhaqdhaqaaq xukunka looga tuuri rabay aabihii.
Markii
dambe ayaa cafis loo fidiyay, waxaana loo ogolaaday in dalka uu dib ugu
soo laabto si uu u qabto jagada la taliyaha arrimaha amniga isla
markaana uu kamid noqdo taliyeyaasha milateriga.
Waxaana la dilay isla maalintii la dilay aabihii.
Haneybaal Qadaafi
Wuxuu u shaqeyn jiray waaxda Liibiya u qaabilsaneyd maraakiibta gaar ahaan dhoofinta shidaalka.
Waxaana
lala xiriiriyay dhacdooyin dhowr ah, sanadkii 2005 waxaa lagu eedeeyay
in huteel ku yaalla Faransiiska uu ku dhex garaacay gabadh ay saaxibo
ahaayeen, sidoo kale waxaa lagu xiray magaalada Geneva kadib markii la
sheegay in uu si xun ula dhaqmay labo qof oo kalkaaliye u ahaa,
Switzerland ayaana lagu xiray.
Inkasta oo markii damaanad lagu sii daayay, dowladdii Liibiya waxay qaaday taallaabooyin ay ku qaadaceyso badeecadaha Switzerland, waxay dalka ka saartay shirkadaha laga leeyahay dalkaas, waxayna u yeertay safiirkeedi ka joogay caasimadda.
Haneybaal Qadaafi
Haatan wuxuu ku nool yahay caasimadda Suuriya ee Dimishiq, wuxuu qabaa gabadh u dhalatay Lubnaan, waxaana soo baxayay warar sheegay in uu baabuur uu watay uu jiirsiiyay dad waddo marayay gudaha Dimishiq oo uu kamid yahay sarkaal boolis ah.
Wuxuu
wax ka dhigan jiray jaamacadda Munich ee dalka Jarmalka. Saif Al Carab
iyo labo wiil uu dhalay ayaa waxaa lagu dilay duqeyntii diyaaradaha
gaashaanbuurta Nato ay ka geysteen Liibiya.
Dadweyne ka careysan dilka Saif Al Carab iyo wiilashiisa ayaa dab qabadsiiyay safaaradda Ingiriiska ee Tripoli iyo dhismayaal kale oo ay lahaayeen Reer Galbeedka.
Waxaana lagu soo warramaya in loo xilsaaray in uu ka hortaggo dibadbaxyadii ka socday magaalada Benghazi.
Khamiis Qadaafi waxaa la dilay bishii Agoosto ee sanadkii 2011 isaga iyo qaar kamid ah qaraabadiisa, waxaana kamid ahaa Cabdullaahi Al Senusi madaxii sirdoonka dowladdii Qadaafi.
Khamiis Qadaafi
Balse
ilo wareedyo ka tirsan milateriga iyo shacabka ayaa sheegay Khamiis
Qadaafi uu weli nool yahay, walow BBC dad u warramay ay sheegeen in la
dilay.
Caasha Qadaafi
Caasha waa 44 jir, waxayna kamid ahayd qareennadii u doodayay madaxweynihii hore ee Ciraaq, Saddaam Xuseen.
Waxaa sanadkii 2006 guursaday nin ay qaraabo ahaayeen abaaheed. Waa gabadha keliya ee uu dhalay Qadaafi. Iyada iyo hooyadeed waxa ay u qaxeen Algeria, inkasta oo markii dambe ay u wareegeen dhinaca Cummaan.
Caasha Qadaafi
Miilaad Qadaafi
Magaca rasmiga ah ee loo bixiyay markii uu dhashay wuxuu ahaa Cabdulsalaam Abu Zentaya, waxaa soo korsaday Mucammar Qadaafi.
Waxaana lagu xasuustaa in uu badbaadiyay Qadaafi markii Mareykanka uu bambaanooyin ku weeraray gurigiisa sanadkii 1986.
Markii
xukunka laga tuuray Qadaafi wuxuu isku dayay in uu galo Tunisia,
waxaana lagu xiray xadka, muddo 3 sano iyo 8 bilood ayuu xirnaa, markii
dambana waa la sii daayay.
Hanaa Qadaafi
Qadaafi wuxuu ku anddacooday in gabadhii uu soo korsaday ee Hanaa lagu dilay weerarkii Mareykanka uu ku qaaday gurigiisa sanadkii 1986 xilliggaas oo ay jirtay 18 bilood oo keliya ah.
Caasha Qadaafi
Miilaad Qadaafi
Magaca rasmiga ah ee loo bixiyay markii uu dhashay wuxuu ahaa Cabdulsalaam Abu Zentaya, waxaa soo korsaday Mucammar Qadaafi.
Waxaana lagu xasuustaa in uu badbaadiyay Qadaafi markii Mareykanka uu bambaanooyin ku weeraray gurigiisa sanadkii 1986.
Markii
xukunka laga tuuray Qadaafi wuxuu isku dayay in uu galo Tunisia,
waxaana lagu xiray xadka, muddo 3 sano iyo 8 bilood ayuu xirnaa, markii
dambana waa la sii daayay.
Hanaa Qadaafi
Qadaafi
wuxuu ku anddacooday in gabadhii uu soo korsaday ee Hanaa lagu dilay
weerarkii Mareykanka uu ku qaaday gurigiisa sanadkii 1986 xilliggaas oo
ay jirtay 18 bilood oo keliya ah.