Mid
ka mid ah ciyaartooyda hibada u lahaa ciyaarta kubadda cagta, oo
Argentina ka soo jeeda ayaa kulansaday xawaare, xeelad iyo karti tiigsi
taasoo u suuragelisay inuu dunida taageerayaal badan ku yeesho.
Taageerayaashiisa
sida oo kale waxaa ka careysiisay goolka ‘uu gacanta ku dhaliyey’,
kaddibna wuxuu ku dhacay isticmaalka maandooriyaha iyo dhibaatooyin
naftiisa la soo deristay oo ka fogeysay garoommada kubadda cagta.
Halyeygi kubadda cagta ee gaabnaa cajiibkana ahaa
Diego Armando Maradona 60 sana ka hor wuxuu ku dhsahay magaalada Buenos Aires xaafadda shanty ee ka tirsan.
Diego
oo da’diisa dhalinyaranimada saboolnimada kaga baxay isaga oo noqday
xiddigga kubadda cagta iyada oo dadka qaar ay laacibkaasi u arkeen inuu
magaciisa xataa uu ka sara maray ciyaartooygii isna caanka ahaa Pelle ee
reer Brazil.
Laacibka reer Argentina wuxuu u saftay 491 ciyaarood wuxuu ciyaarahaasi uu ka dhaliyey 259 gool.
Iyada
oo mar la damcay in loo aqoonsado ciyaartoogi qarniga 20-aad ugu
wanaagsanaa, ka hor inta aay beddelin sharciyada la xiriira arrintaa ugu
dambeyntina isaga iyo iyo ciyaartoogii kale oo magacaasi kula
tartamayey kana soo jeedday South America magacaasi lagu sharfay.
Maradona
laacibnimadiisa iney soo ifbaxdo waxay soo billabatay
dhalinyaranimadiisi xilli uu u ciyaarayey naadiga Cebollitas oo ay
dhalinyaradu lahaayeen wuxuuna sabab u ahaa 136 ciyaarood oo ay koxdaasi
dheeshay inaan laga badin, wuxuuna indhaha caalamka uu soo jiitay marka
ay da’diisu gaadhay 16 sano iyo 120 maalmood.
Diego
wuxuu ahaa nin gaaban oo qurux badan oo dhererkiisuna uu ka badneen 1
mitir iyo 65 sentimiitir, balse waxaa lagu tilmaamaa inuu ahaa laacib ka
duwan ciyaartooyda caadiga ah.
Balse
xirfaddiisa firfircoonida, kartida, xeeladda, xakameynta kubadda,
qulqulka iyo gudbinta iyo xawaaraha cajiibka ahaaba waxaa hor istaagay
miisaanka jirkiisa oo si lama filaan ah u kordhay.
Wuxuuna
ahaa ciyaartooy aad ugu wanaagsan inuu si fudud uga gudbo shabagga
difaaca kooxda ka soo horjeeddo balse marki dambe wey ku adakaatay iney
wax badan uu qabsdo.
Goolka gacanta uu ku dhaliyey iyo goolkii qarniga
Maradona
xilli ay da’diisu mareysay 34 wuxuu Argentina uu saftay 91 ciyaarood,
taasoo u horseedday inuu xirfaddiisa ay noqoto mid heer caalami ah.
Wuxuuna hormuud u ahaa dalkiisu guushi uu koobka adduunka ee lagu qabtay Mexico uu ku qaaday sanadki 1986-kii.
Tarntanki
kaa ka horreeyey ee wareeggi siddeed dhammaadka waxaa jirtay arrin
dhacday oo noolashiisa saaameyn aan yareyn u geysatay.
Ciyaarti
England iyo Argentina dhexmartay oo ku soo beegantay afar sano kaddib
ciyaarti labada dal u dhaxeysay uu khilaafka xooggan ka dhahay
ciyaartanna waxay noqotay mid uu khilaaf markiba hareeyey.
Ciyaartu
marka ay mareyso daqiiqaddii 51-aad Maradona ayaa si la yaab leh u
booday oo kubadda madaxa ku teesteeyey goolhaye Peter Shilton uma
suuragelin inuu qabto sidaana kubadda shabaqa u taabsiiyey.
Waxyar
kaddibna wuxuu sheegay goolkaasi inuu ku yimid “Maradona oo madaxa
kubadda ku dhuftay gacan barakeysanna uu sii raaciyey.”
Afar daqiiqo kaddibna, wuxuu Maradona dhaliyey gool cajiib ah oo lagu tilmaamay goolkii qarniga.
“Waa
inaad tirahdaa taasi waxay ahayd wax fiican. Shaki kuma jiro goolkaasi.
Waxay ahayd oo keli xirfad kubadeed oo aad u wanaagsan,” ayuu yiri
wariyaha BBC ee ciyaartaasi xiriirinayey Barry Davis.
Geesiga Napoli balse ay daroogadu dilootay
Maradona
wuxuu laba jeer jabiyey rekoorka qiimaha ciyaartooyda caalamka lagu
kala iibsado isaga oo kooxda Boca Junior oo waddanka Argentina laga
leeyahay kaddibna ku biiray kooxda reer Spanish ee Barcelona wuxuuna
1982-kii lagula wareegay £3 malyan oo Yuuro, laba sana kaddibna wuxuu ku
biiray kooxda Napoli iyada oo ay kula wareegtay £5 malyan oo Yuuro.
Mar
uu diyaarad qumaatiga ah ee Helikobtarka uu ku tagay garoonka Stadio
San Paolo waxaa halkaasi ku sugayey 80,000 oo taageerayaashiisa ah.
Xilligi waayahiisa ciyaaraha kubadda cagta ugu wanaagsanaa wuxuu ku soo qaatay dalka Talyaaniga isaga oo magac iyo sumcad aad u weyn ku muteystay ciyaarihi dhacay 1987-kii, 1990-kii iyo koobka UEFA ee 1989-kii.
Xaflad
loogu dabaal degayo guushii ugu horreysay ee Maradona ayaa qaadatay
shan maalmood iyadoo boqollaal kun oo taageerayaashiisa ay waddooyinka
joogeen, balse Maradona xilligaasi wuxuu ahaa mid feejigan.
“Tani waa magaalo weyn, waxaanna rabaa inaan xor u noqdo socodka. Maadaamaa aan ahay qof la mid ah dadka caadiga ah,” ayuu yiri.
Kaddib
marki ay ciyaarti kama dambeysta ee Talyaaniga iyo Jarmalka ay 1-0 ku
dhammaatay, waxaa Maradona la ganaaxay 15 bilood marki la ogaaday inuu
isticmaalay dawo qiyaasta ka baxsan.
Kaddib markii guuldarro 1-0 ay kooxdiisa ka soo gaartay Jarmalka
finalka ee talyaaniga lagu qabtay, baaritaannada Maradona lagu sameeyey
eek u saabsana dawooyinka aan la oggoleen uu isticmaali jiray waxaa
ciyaaraha ganaax uu ugu maqnaa 15 bilood ah.
Maradona
1994-kii ciyaarta oo bartmaha mareysay oo ka dhaceysay Mareykanka ayaa
laga saaray, kaddib marki la ogaaday inuu isticmaalay dawooyin mamnuuc
ah.
Noolasha Maradona marka uu howlgabka noqday
Seddex sana oo xiriir ah baaritaan lagu sameeyey waxaa lagu oagaaday
Maradona
inuu isticmalay dawooyin ciyaartooyda manuuc ka ah, sidaa ayuuna uga
fariistay kubadda cagta da’diisa oo markaasi ahayd 37 jir, wixii intaa
ka dambeeyeyna noolashiisa dhibatooyin ayaa hareeyey.
Waxaana
lagu xukumay 2 sano iyo 10 bilood oo xarig ah, kaddib marki lagu helay
dambi uu horay u galay oo ahaa inuu koox wariyeyaal ah uu xabbado ku
riday.
Maandooriyaha
Cocaine oo Maradona balwad u noqday ayaa u horseeday caafimaad darro
baahsan, miisaankiisana si aad ah ayuu u kordhay iyada oo uu gaaray 128
kiilo.
2004-tii Maradona waxaa la soo dersay wadna xanuun, isaga oo la dhigay qaybta lagu daryeelo dadka ay xaaladdoodu culus tahay.
Diego Maradona xilli uu la kulmay madaxweynihi hore ee Cuba Fidel Castro
Waxaana
qalliin looga sameeyey caloosha si baruurta saaran looga jaro, isaga oo
dalka Cuba in mudda ah lagu daryeelayey si looga daweeyo maandooriyaha
uu la qabatimay.
2008-ddii
waxaa loo magacaabay tababaraha kooxda xulka qaranka Argentina wuxuuna
kooxdiisa uu soo gaarsiiyey ciyaarta siddeed dhammaadka ee koobka
kubadda cagta, inkasta oo Argentina 4-0 looga reeyey guushana ay raacday
kooxda Jarmalka.
2018-kina
Maradona wuxuu ka qayb galay ciyaar dalka Ruushka ku dhex mareysay
Argentina iyo Nigeria oo qayb ka ahayd tartanka kubadda cagta ee koobka
adduunka.
Khubarada qaar waxay soo jeediyeen Maradona inuu daryeel caafimaad uu u baahan yahay oo ay xaaladdiisa caafimaad wanaagsaneen.
Ugu dambeyna, ciyaartooygii caanka ahaa ee reer Argentina Diego Maradona waa uu geeriyooday isaga oo ay da’diisu tahay 60 jir.
Waxaa uu ahaa mid ka mid ah ciyaartooyda ugu wanaagsan ee caalamka soo marta sanadihii siddeetameyadii.