Waayihii kubadda cagta ee ciyaaryahankii caanka ahaa Diego Maradona

0

Mid ka mid ah ciyaartooyda hibada u lahaa ciyaarta kubadda cagta, oo Argentina ka soo jeeda ayaa kulansaday xawaare, xeelad iyo karti tiigsi taasoo u suuragelisay inuu dunida taageerayaal badan ku yeesho.

Taageerayaashiisa sida oo kale waxaa ka careysiisay goolka ‘uu gacanta ku dhaliyey’, kaddibna wuxuu ku dhacay isticmaalka maandooriyaha iyo dhibaatooyin naftiisa la soo deristay oo ka fogeysay garoommada kubadda cagta.

Halyeygi kubadda cagta ee gaabnaa cajiibkana ahaa

Diego Armando Maradona 60 sana ka hor wuxuu ku dhsahay magaalada Buenos Aires xaafadda shanty ee ka tirsan.

Diego oo da’diisa dhalinyaranimada saboolnimada kaga baxay isaga oo noqday xiddigga kubadda cagta iyada oo dadka qaar ay laacibkaasi u arkeen inuu magaciisa xataa uu ka sara maray ciyaartooygii isna caanka ahaa Pelle ee reer Brazil.

Laacibka reer Argentina wuxuu u saftay 491 ciyaarood wuxuu ciyaarahaasi uu ka dhaliyey 259 gool.

Iyada oo mar la damcay in loo aqoonsado ciyaartoogi qarniga 20-aad ugu wanaagsanaa, ka hor inta aay beddelin sharciyada la xiriira arrintaa ugu dambeyntina isaga iyo iyo ciyaartoogii kale oo magacaasi kula tartamayey kana soo jeedday South America magacaasi lagu sharfay.

Maradona laacibnimadiisa iney soo ifbaxdo waxay soo billabatay dhalinyaranimadiisi xilli uu u ciyaarayey naadiga Cebollitas oo ay dhalinyaradu lahaayeen wuxuuna sabab u ahaa 136 ciyaarood oo ay koxdaasi dheeshay inaan laga badin, wuxuuna indhaha caalamka uu soo jiitay marka ay da’diisu gaadhay 16 sano iyo 120 maalmood.

Diego wuxuu ahaa nin gaaban oo qurux badan oo dhererkiisuna uu ka badneen 1 mitir iyo 65 sentimiitir, balse waxaa lagu tilmaamaa inuu ahaa laacib ka duwan ciyaartooyda caadiga ah.

Balse xirfaddiisa firfircoonida, kartida, xeeladda, xakameynta kubadda, qulqulka iyo gudbinta iyo xawaaraha cajiibka ahaaba waxaa hor istaagay miisaanka jirkiisa oo si lama filaan ah u kordhay.

Wuxuuna ahaa ciyaartooy aad ugu wanaagsan inuu si fudud uga gudbo shabagga difaaca kooxda ka soo horjeeddo balse marki dambe wey ku adakaatay iney wax badan uu qabsdo.

Goolka gacanta uu ku dhaliyey iyo goolkii qarniga

Maradona xilli ay da’diisu mareysay 34 wuxuu Argentina uu saftay 91 ciyaarood, taasoo u horseedday inuu xirfaddiisa ay noqoto mid heer caalami ah.

Wuxuuna hormuud u ahaa dalkiisu guushi uu koobka adduunka ee lagu qabtay Mexico uu ku qaaday sanadki 1986-kii.

Tarntanki kaa ka horreeyey ee wareeggi siddeed dhammaadka waxaa jirtay arrin dhacday oo noolashiisa saaameyn aan yareyn u geysatay.

Ciyaarti England iyo Argentina dhexmartay oo ku soo beegantay afar sano kaddib ciyaarti labada dal u dhaxeysay uu khilaafka xooggan ka dhahay ciyaartanna waxay noqotay mid uu khilaaf markiba hareeyey.

Ciyaartu marka ay mareyso daqiiqaddii 51-aad Maradona ayaa si la yaab leh u booday oo kubadda madaxa ku teesteeyey goolhaye Peter Shilton uma suuragelin inuu qabto sidaana kubadda shabaqa u taabsiiyey.

Waxyar kaddibna wuxuu sheegay goolkaasi inuu ku yimid “Maradona oo madaxa kubadda ku dhuftay gacan barakeysanna uu sii raaciyey.”

Afar daqiiqo kaddibna, wuxuu Maradona dhaliyey gool cajiib ah oo lagu tilmaamay goolkii qarniga.

“Waa inaad tirahdaa taasi waxay ahayd wax fiican. Shaki kuma jiro goolkaasi. Waxay ahayd oo keli xirfad kubadeed oo aad u wanaagsan,” ayuu yiri wariyaha BBC ee ciyaartaasi xiriirinayey Barry Davis.

Geesiga Napoli balse ay daroogadu dilootay

Maradona wuxuu laba jeer jabiyey rekoorka qiimaha ciyaartooyda caalamka lagu kala iibsado isaga oo kooxda Boca Junior oo waddanka Argentina laga leeyahay kaddibna ku biiray kooxda reer Spanish ee Barcelona wuxuuna 1982-kii lagula wareegay £3 malyan oo Yuuro, laba sana kaddibna wuxuu ku biiray kooxda Napoli iyada oo ay kula wareegtay £5 malyan oo Yuuro.

Mar uu diyaarad qumaatiga ah ee Helikobtarka uu ku tagay garoonka Stadio San Paolo waxaa halkaasi ku sugayey 80,000 oo taageerayaashiisa ah.

Xilligi waayahiisa ciyaaraha kubadda cagta ugu wanaagsanaa wuxuu ku soo qaatay dalka Talyaaniga isaga oo magac iyo sumcad aad u weyn ku muteystay ciyaarihi dhacay 1987-kii, 1990-kii iyo koobka UEFA ee 1989-kii.

Xaflad loogu dabaal degayo guushii ugu horreysay ee Maradona ayaa qaadatay shan maalmood iyadoo boqollaal kun oo taageerayaashiisa ay waddooyinka joogeen, balse Maradona xilligaasi wuxuu ahaa mid feejigan.

“Tani waa magaalo weyn, waxaanna rabaa inaan xor u noqdo socodka. Maadaamaa aan ahay qof la mid ah dadka caadiga ah,” ayuu yiri.

Kaddib marki ay ciyaarti kama dambeysta ee Talyaaniga iyo Jarmalka ay 1-0 ku dhammaatay, waxaa Maradona la ganaaxay 15 bilood marki la ogaaday inuu isticmaalay dawo qiyaasta ka baxsan.

Kaddib markii guuldarro 1-0 ay kooxdiisa ka soo gaartay Jarmalka finalka ee talyaaniga lagu qabtay, baaritaannada Maradona lagu sameeyey eek u saabsana dawooyinka aan la oggoleen uu isticmaali jiray waxaa ciyaaraha ganaax uu ugu maqnaa 15 bilood ah.

Maradona 1994-kii ciyaarta oo bartmaha mareysay oo ka dhaceysay Mareykanka ayaa laga saaray, kaddib marki la ogaaday inuu isticmaalay dawooyin mamnuuc ah.

Noolasha Maradona marka uu howlgabka noqday

Seddex sana oo xiriir ah baaritaan lagu sameeyey waxaa lagu oagaaday

Maradona inuu isticmalay dawooyin ciyaartooyda manuuc ka ah, sidaa ayuuna uga fariistay kubadda cagta da’diisa oo markaasi ahayd 37 jir, wixii intaa ka dambeeyeyna noolashiisa dhibatooyin ayaa hareeyey.

Waxaana lagu xukumay 2 sano iyo 10 bilood oo xarig ah, kaddib marki lagu helay dambi uu horay u galay oo ahaa inuu koox wariyeyaal ah uu xabbado ku riday.

Maandooriyaha Cocaine oo Maradona balwad u noqday ayaa u horseeday caafimaad darro baahsan, miisaankiisana si aad ah ayuu u kordhay iyada oo uu gaaray 128 kiilo.

2004-tii Maradona waxaa la soo dersay wadna xanuun, isaga oo la dhigay qaybta lagu daryeelo dadka ay xaaladdoodu culus tahay.

Diego Maradona xilli uu la kulmay madaxweynihi hore ee Cuba Fidel Castro

Waxaana qalliin looga sameeyey caloosha si baruurta saaran looga jaro, isaga oo dalka Cuba in mudda ah lagu daryeelayey si looga daweeyo maandooriyaha uu la qabatimay.

2008-ddii waxaa loo magacaabay tababaraha kooxda xulka qaranka Argentina wuxuuna kooxdiisa uu soo gaarsiiyey ciyaarta siddeed dhammaadka ee koobka kubadda cagta, inkasta oo Argentina 4-0 looga reeyey guushana ay raacday kooxda Jarmalka.

2018-kina Maradona wuxuu ka qayb galay ciyaar dalka Ruushka ku dhex mareysay Argentina iyo Nigeria oo qayb ka ahayd tartanka kubadda cagta ee koobka adduunka.

Khubarada qaar waxay soo jeediyeen Maradona inuu daryeel caafimaad uu u baahan yahay oo ay xaaladdiisa caafimaad wanaagsaneen.

Ugu dambeyna, ciyaartooygii caanka ahaa ee reer Argentina Diego Maradona waa uu geeriyooday isaga oo ay da’diisu tahay 60 jir.

Waxaa uu ahaa mid ka mid ah ciyaartooyda ugu wanaagsan ee caalamka soo marta sanadihii siddeetameyadii.