Wadahadalladii Sudan, Masar iyo Itoobiya ee Wabiga Nile oo Bur buray

0

Wadahadaladii u dhaxeeyay Itoobiya, Sudan iyo Masar ee ku saabsanaa isticmaalka wabiga Nile ayaa guuldaraystay , sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Wakaaladda ayaa soo xiganaysa wasiirka arrimaha dibadda ee Sudan Ibrahim Ghandour.

Wadahadaladani oo ay lahaayeen wasiirada arrimaha dibadda iyo saraakiisha sirdoonka islamarkana socday 17 saacadood ayaa lagu guuldaraystay in la xaliyo khilaafkii u dhaxeeya dalalka ee wabiga Nile.

Masuliyiinta ayaa gaar ahaan ku guuldaraystay in ay xaliyaan arrinta ku saabsan biyo xireen ay ku baxayso 4 bilyan oo doolar kaasi oo ay dhisayso dowladda Itoobiya.

“Waxa aan maalin dhan ku jirnay wadahadal sida ay amreen hogaamiyayaasha saddexda dal , balse ma gaarin wax heshii ah, ma sii qeexi karo waxa ay yihiin waxyaaabaha la isku maandhaafay , balse waxaa jiray arrimo farsamo,” ayuu Mr Ghandour u sheegay wariyayaasha.

Dowladda Masar ayaa ka soo horjeedsatay mashruuca ay Itoobiya wabiga Nile uga dhisayso Biyo xireen ay doonayso in ay ka dhaliso koranto ay quwadeeda dhan tahay6,000.

Masar ayaa sheegtay in biyo xireenkan uu saamaynayo helida biyaha Masar iyo Beeraleyda dalkaasi.

Waxa ay Masar sidoo kale ku adkaysanaysaa in ay xaq taariikhi ah u leedahay taasi oo uu u damaanad qaaday heshiiskii la saxiixay 1929 iyo 1959, oo xaq u siinaya Masar 87% biyaha wabiga.

Sudan ayaa dhanka kale aan ku faraxsanayn mashruuca Itoobiya.

Laba qaybood ee wabiga Nile ee ka la ah Blue iyo White Nile ayaa waxa ay maraan caasimadda Sudan Khartoum.