Wadamada Masar,Suudaan Iyo Itoobiya Oo Wada Gaadhay Heshiis Ku Saabsan Wabiga Nile

0

Masar, Suudaan iyo Itoobiya ayaa waxa ay si wada jir ah ugu heshiiyeen inay darsaan sida biyo xidheen laga dhinac sameeyay webiga Niil uu u saameyn karo heerka biyaha ee webigaasi.

Xidhiidhka ka dhaxeeya dalalkaasi ayaa waxaa soo kala dhexgalay madmadow ka dib markii ay Itoobiya go’aan ku gaadhay inay webiga Niil ka bilowdo dhismaha biyo xidheen weyn oo ku kacaya shan bilyan oo doolar, taas oo Masar ay ka cabsi qabto inuu saameyn weyn ku yeesho biyaha ay ka hesho webiga.

In saraakiil sarsare oo ka socday dowladahaasi ay ka arrinsanayeen biyo xidheenka muranka badan dhaliyay ee laga dhinac dhisayo webiga Niil

ayaa dhab ahaantii ah in horumar la sameeyayba.

Xidhiidhka ka dhaxeeya Masar iyo Itoobiya ayaa aad u liitay oo dadku waxa ay ka hadlayeenba suuragalnimada in biyaha webiga lagu dagaalamo.

Itoobiya ayaa waxa ay sheegaysaa in biyo xidheenkan weyn uu muhiim u yahay sababtoo ah baahida koronto ee ay qabaan dadkeeda korka u dhaafaya boqolka milyan.

Hasa yeeshee Masar ayaa waxa ay ka walaacsan tahay in biyo xidheenka oo la buuxiyo ay yareyn doonta biyaha ay ka hesho webiga.

Haatan waxa ay isku raaceen in khubaro madax bannaan oo ka socota jaamacado ku yaal saddex dal ay darsaan sida biyo xidheenka loo buuxin karo iyo sida biyaha lagu fasixi karo.

 

 

Source:-BBCsomali