Wafti Iskugu Jira Wasiiro Iyo Saraakiil Ciidanka Qaranka Ka Tirsan Oo Jabuuti Gaadhay

0

Wafti Culus oo Uu Hogaaminayo Wasiirka Gashaan-dhiga Jamhuuriyadda somaliland Cabdi Qani Maxamuud Caateeye (Fariid)Ayaa maanta gaadhay Waddanka Jabuuti taas oo si meeqaan sare ahna isaga iyo waftigiisa loogu soo dhaweeyay.

Waftigan wasiirka ayaa waxa ay ka koobnayeen Abaan-Duulaha Ciidanka qaranka Somaliland,Taliyaha Hogaanka Madaafiicda Qaranka,Madax Caafimaadka ee wasaarada gashaan-dhiga iyo saraakiil ciidan oo kale kuwaas oo waddanka jabuuti u tagay hawlaha shaqo oo xaga ciidanka ah.

Waftigan ayaa waxa Garoonka Diyaaraddaha Ee Waddanka Jabuuti ku qaabilay Danjiraha Somaliland U Fadhiya Waddanka Jabuuti Ambasatoor Cabdi Fataax Siciid Axmed,Wasiir ku xigeenka wasaarada gashaan-dhiga Jabuuti,La Taliyaha Wasiirka Gashaan-dhiga Jabuuti,Taliyaha Ilaaladda Madaxtooyadda Jabuuti,Xildhibaano ka Socda Mucaaradka iyo Muxaafidka Jabuuti Iyo Masuuliyiin kale oo culus,waxaana ay waftigan u soo dhaweyeen si maamuus iyo milgo walaaltinimo ku dheehan yahay.

Wasiirka Gashaan-dhiga Somaliland Cabdi Qani Maxamuud Caateeye Fariid Ayaa inta ay waftigan uu hogaaminayaan ay ku sugan yihiin waddanka jabuuti waxa ay kulamo la yeelan doonaan wasiiradda iyo ciidanka dhigooda ah kuwaas oo ay ka wada hadli doonaan qodobo muhiim ah.

Waddanka Jabuuti Iyo Dalka Somaliland ayaa waxa ka dhaxeeya xidhiidh fiican oo xaga milatariga ah kuwaas oo somaliland iyo jabuuti ay ka wadda shaqeeyaan xaga amaanka iyo sugida xuduuda labadda wadan u dhaxaysa.