War-Degdega:Diyaarad Goor dhaweyd ku Burburtay Somalia+Agabkay Siday & Xoggo kale oo xasaasiya

0

Wararka aan ka heleyno magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhaw diyaarad raashin iyo agab kale waday ku bur burtay garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif.

Diyaarada ayaa la sheegay in xiligii ay garoonka ka dageysay uu qaac ka baxayay uuna qabsaday dab, waxaana duuliyhii diyaarada ku guuleestay in uu diyaarada si nabad galyo ah ku dejiyo.

Sida aan wararka ku helnay sadex qof uu ku jiro duuliyihii diyaarada ayaa ka bad baaday shilka , waxaana la sheegay in diyaarada ay soo gaartay waxyeelo xoogan, lamana oga ilaa hada waxa sababay shilkaasi iyo dabka qabsaday qeyb kamid ah diyaarada.

Ciidamada AMISOM ee jooga garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ayaana u gurmaday diyaarada shilka gashay,  waxaana la arkayay ciidamada AMISOM oo daminta dabka qabsaday diyaaradaasi u adeegsanaya biyo baaldiyo lagu shubay.