Wargeyska Standard: Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga oo lagu xusay fadeexad ku saabsan dahab been abuur ah

0

Wargeyska Standard: Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga oo lagu xusay fadeexad ku saabsan dahab been abuur ah

 

Magacyada madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo ra’iisul wasaarihii hore Raila Odinga ayaa lagu xusay fadeexad ku saabsan dahab been abuur ah oo laga iibiyay qof ka tirsan boqortooyada Imaaraadka Carabta, sida ay shaaciyeen qaar ka mid ah wargeysyada kasoo baxa Kenya, sida Standard iyo The Star.

Waxaa in muddo ahba soo jiitamaysay fadeexad la xiriirta dahab la kala iibinayay oo si khiyaano ah loogu khalday xubno ku ka tirsan boqortooyada Imaaraadka Carabta, arrintaasoo lugaha lasoo gashay siyaasiyiin reer Kenya ah.

Waxaa lagu soo warramay in dahab been abuur ah lagu qabtay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta, xilli laga soo dhoofiyay waddanka Koongada Dimuqraaddiga ah.

Qiimaha lagu kala iibinayay dahabkan ayaa lagu sheegay ilaa 400 oo malyan oo shilinka Kenya ah una dhiganta $4 malyan oo doolar.

Arrintan ayaa markii hore loo xiray 15 qof oo lagu tuhusan yahay inay ku lug leeyihiin, kuwaasoo ay baaritaanno ku socdaan.

Hase yeeshee, cod si qarsoodi ah loo duubay oo warbaahinta loo gudbiyay ayaa ku faafay baraha bulshada, waxaana laga maqli karaa mid ka mid ah siyaasiyiinta Kenya ugu caansan oo arrinta dahabka kala hadlaya qof sida la aaminsan yahay lagu magacaabo Ali Zandi oo qeyb ka ah ganacsiga dahabka ee Dubai.

Seneterka ismaamulka Bungoma Moses Wetangula oo ka mid ah madaxda mucaaradka Kenya ayaa codkiisa laga maqlayaa cajalka, isagoo qancinaya qofka u doodaya in dahabka loo soo daayo.

“Raila ayaa madaxweynaha la kulmay si uu arrintan ugala hadlo, wuuna u sharraxay, kadib madaxweynahana wuxuu wacay wasiirka”, erayadaas ayaa ka mid ah hadalladii uu codka ku dhahayay Wetangula.

Labada qof ee codka ku duuban ayaa ku doodayay sidii loo fududeyn lahaa in dahabka laga soo saaro gacanta dowladda, si loogu gudbiyo dadkii loo waday.

Marka laga soo tago sheegashada Wetangua, wali jiro war xaqiijinaya inay Madaxweyne Kenyatta iyo Mr Odinga ku lug leeyihiin arrintan.

Afhayeenka madaxtooyada Kanze Dena ayaa wargeyska Standard ku yidhi: “Ma aanan maqlin, mana arkin, marka waxba kama dhihi karo”.

Balse madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto iyo hoggaamiyeyaal kale oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Jubilee ayaa gaashaanka ku dhuftay sheegashada madaxweynaha lagula xiriiriyay arrinta fadeexadda, sida aan kasoo xiganay wargeyska The Star.

Barasaabka ismaamulka Kiambu Ferdinand Waititu ayaa si carol eh u sheegay in dadka arrimahan lagu tuhunsan yahay aan looga baahneyn inay madaxweynaha lugaha usoo galiyaan.

Dhanka kale qaar ka mid ah xildhibaannada xisbiga Jubilee ayaa ka dalbaday Raila Odinga inuu sharraxaad ka bixiyo waxa uu ka ogyahay fadeexadda dahabka.

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayey uga digeen inay Mr Kenyatta ku xiriiriyaan fadeexaddan.

Waxay sidoo kale sheegeen in wasiirka arrimaha gudaha Fred Matiang” ay ka doonayaan inuu faahfaahin ka siiyo sida dalka looga ilaalinayo soo galitaanka dahabka been abuurka ah.

Philip Etale oo ah sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga ODM ee uu Raila Odinga hoggaamiyo ayaa sidoo kale been abuur ku tilmaamay arrintaas, waxa uuna sheegay ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinka uusan ka qeyb qaadanin qandaraaska ku saabsan dahabka been abuurka ah.

Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in hadda aan la ogeyn meel uu jaan iyo cirib dhigay Moses Wetangula, oo horay uga tirsanaa siyaasiyiinta sida weyn ugu dhow Raila Odinga