Wargeyska The EastAfrican “Somaliland Waxay Rabtaa Aqoonsi Xataa Haddii aanay Muqdisho Aqlabayn”
Biyo Guure News

July 22nd, 2019

Wargeyska Toddobaadlaha ah ee The EastAfrican oo mataanno la ah Warsidaha

The Nation ee ka soo baxa Magaalada Nairobi ayaa maanta warbixin  ka qoray dedaalka aqoonsi raadinta ee ay wado  dawladda Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixinta Wargeyska The EastAfrican oo ciwaan looga dhigay “Somaliland waxay rabtaa aqoonsi xataa haddii aanay Muqdisho aqlabayn.”

Wargeysku wuxuu warbixintiisa ku bilaabay  in caasimadda Hargeysa ay duqeeyeen diyaaradihii noocoodu ahaa MiG  ee  uu lahaa kaligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre  ee Soomaaliya oo   xasuuqay  dadkii ka soo horjeeday  31 sannadood ka hor. Waxaanu warsiduhu intaas ku daray in Madaxweyne Muuse Biixi oo hore  u ahaan jiray duuliye ka tirsanaa Millatarigii Soomaaliya uu xiligan hoggaaminayo dedaalka ictiraaf raadinta iyo madax-bannaanida Somaliland.

Wargeysku wuxuu  intaas raaciyey  Wasaaradda Arrimaha Dibadda JSL ay toddobaadkan  shaacisay inay sii wadayso halganka Somaliland ugu jirto aqoonsi-raadinta, haddii ay Soomaaliya jeclaysanayso iyo haddii kaleba.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee JSL Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa sheegay in aanay  cidna la-hayste u noqon doonin. “Dawladda Somaliland waxay ogolaatay inaanu  xidhiidh ka yeelanno  Soomaaliya oo aanu ka wada shaqeyno  sidii  aanu  iskaashi uga yeelan lahaayeen arrimaha Mandaqada, hase ahaatee cidna uma noqonayno   la-hayste,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibaddu.

Wargeyska The EastAfrican wuxuu sheegay in Somaliland jawaab adag kala hortimid Guddidii uu wadahadalka u magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo ay ku tilmaantay mid ay ku jiraan dambiileyaal dagaal oo aanay marna hor fadhiisan doonin.

Wakiilka Somaliland u qaabilsan dalka UK, Ayaan Maxamuud Cashuur ayaa sheegtay  in Soomaaliya ay ku xadgudubtay  qorshihii wadahadalka.

Ayaan Maxamuud waxay caddaysay in wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee Turkiga ka qabsoomay  ay burbureen  laba sanno ka hor, markii Soomaaliya ay  ergadii ka socotay  ku soo dartay dad asal ahaan ka soo jeeda Somaliland.

Wakiilka Somaliland ee UK waxa kaloo ay   ku eedaysay  Madaxweynaha dawladda itaalka daran ee Soomaaliya in Guddida uu magacaabay uga ujeeddo inuu afka uun ka maqashiiyo beesha caalamka.

Cumar Maxamed Faarax