Wasaaradaha Maaliyadda Ee Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Baanka Adduunka La Saxeexday Heshiis Kor Loogu Qaadayo Korontada

0

Bangiga adduunka, ayaa  sheegay inuu ka caawinayo Somaliland iyo Somaliya marshuuc kor loogu qaadayo korontada, gaar ahaan ta la cusboonaysiin karo (renewable). Marshuucaas oo ay ku baxayso lacag dhan 150 Milyan oo Doolarka Maraykanka ah. Waxa maalgelinaya Bangiga Aduunka oo keliya.  

Marshuuca oo magaciisa la yidhahdo Marshuuca Dib-u-soo cellinta Waaxda Korontada Soomaalida (Somali Electricity Sector Recovery Project) waxa la gallay Bangiga Aduuunka, Wasaaradda Maaliyadda ee Somaliland iyo Wasaaradda Maaliyadda ee Somaliya.

Sidoo kale waxa fullinaya Wasaaradaha Tamarta iyo Macdanta ee Somaliland iyo Soomaaliya.  

Sida lagu sheegay Dhokumentiga Xogta Marshuuca oo uu daabacay Bangiga Aduunku, wuxuu si gaar ah marshuucu u bartilmaameedsan doonaa goobaha miyiga ah oo aan hadda si fiican laydhku u gaadhin.  

Ujeedada marshuucu waa “inuu kor u qaado hellitaanka adeegyada korontada,” sida lagu sheegay Dhokumentiga Bangiga Adduunka. Waxa intaas lagu daray in lagu sallayn doono qorshyaasha horumarineed ee kala gaarka ah ee ay kala leeyihiin Somaliland.

Magaalooyinka la qorsheeyey in marshuuco ka fulo waa Muqdisho, Hargeysa, Berbera, Boosaaso, Garoowe, Caabduwaaq, Baydhabo, Afgooye, Kismaayo, Boorama iyo Burco.

Waxa sidoo kale qayb ka mid ahi si gaar ah u bartilmaameedsanaysaa goobaha miyiga.  

Bangiga Adduunku wuxuu sheegay in hay’adaha fullinta u xil-saaran ee Somaliland iyo Soomaaliya ay awoodoodu aad u liidato. Sidaas darteed, waxa ka mid ah marshuuca in awoodooda la dhiso oo loo qabto shirkad la talineed.

Welli lama gaadhin xilligii marshuuca la fulin lahaa, waxaanu ku  jiraa wejiga diyaargarowga, waanu in marshuucu bilaabmo sanadka soo socda.  

Ma cadda qaabka ay uga wada shaqaynayaan Somaliland iyo Soomaaliya marshuuca. Mana jiro wax war ah oo ay dawladda Somaliland ka soo saartay heshiiskan oo ay shacabkeeda u sheegtay.  

Sidoo kale waxa aan caddayn sida marshuucu ula jaan qaadi karo xaqiiqda ah in magaalooyinka Somaliland badankooda ay laydhka maamulaan shirkado gaar loo leeyahay oo macaash doon ah.  

xigasho eeska