Wasiirka maaliyadda Kenya oo la xiray

0

Wasiirka maaliyadda dalka Kenya, Henry Rotich ayaa la xiray, waxaa uu isu dhiibay booliska kaddib markii uu dacwad oogaha guud shaaciyay in wasiirka maaliyadda uu wajahayo eedeymo musuqmaasuq oo la xiriira dhismaha laba biyo xireen.

Dacwad oogaha guud, Nuradin Maxamed Yuusuf Xaaji, ayaa sheegay in Mr Rotich uu baalmaray hannaanka bixinta qandaraasyada kadib markii uu qandaraas malaayiin dollar ah uu siiyay shirkad dhismaha ah oo laga leeyahay Talyaaniga.

Nuradin ayaa sidoo kale baaritaan ku samaynaya qaabka lacagta qandaraaska loogu kordhiyay 170 milyan oo dollar oo ka baxsan lacagtii hore ee la kala sixiixday.

Dacwad oogaha ayaa sheegay in lacagtaasi si sharci darro ah lagu bixiyay oo ay iska kaashadeen mas’uuliyiin dowladda ka tirsan iyo shakhsiyaad rayid ah.