Wasiirka W G iyo Horumarinta o daboolka ka Qaaady waqtiga La Bilaabayo Dhismaha garoonka Burco

0

Wasiirka Gaadiidka Iyo Waddooyinka Somaliland oo Burco ka Hadlay ayaa ku Dhawaaqay Xilliga la bilaabayo Garoonkii Diyaaraha Burco sidoo kale wuxuu wax ka sheegay Saamigii Sanduuqa SDF ee Gobolka Togdheer Helay.

Ugu Horayn Wasiirka Gaadiidku Wuxuu Sheegay in Wadada Hawdka Burco Si degdega Haayadda Waddooyinka Somaliland u Bilaabi Doonto oo uu Sheegay inuu Dhagax dhigay Wasiirkii Wasaaradda uga Horeeyay ee Cali Mareexaan.

Wasiirka ayaa sheegay in 10 Casho ka hor isaga iyo Madaxwaynuhu kawada Hadleen in Garoonka diyaaradaha Burco la Bilaabo dhismihiisa Sanadkan lagu jiro ee 2020.

Sanduuqii SDF ee Saamiga Gobolka Togdheer ka helay Bulshada reer Togdheer mudooyinkii ugu danbeeyay hadal hayeen ayuu sheegay wasiirku
Lacagta Sanduuqaasi inay tahay 5 Million oo dallar Xukuumadduna Wadada Burco ilaa berbera ku dhisayso 8 million oo Dollar
Waxaanu xusay in lacagataasi Sanduuqa SDF lagu samayn doono wadadaasi.