Wasiirkii hore ee Daakhiliga Somalia oo ku eedeeyay M/weyne Farmaajo inuu qorsheynayo inuu Dhisto Boqortooyo

0

Wasiirkii hore ee Daakhiliga Somalia oo ku eedeeyay M/weyne  Farmaajo inuu qorsheynayo inuu Dhisto Boqortooyo 

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog FM ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isaga oo uu weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Odowaa ayaa marka hore sheegay inay lama huraan tahay in doorashada Soomaaliya lagu qabto waqtigii loo asteeyey, si looga gaashaanto inuu yimaado muddo kororsi.

C/raxmaan Odowaa ayaa sidoo kale shaaciyey in xilligan aysan dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah, loona baahan yahay in laga wada-tashado.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Farmaajo uu rabo in Madaxweyne uu sii ahaado afar sano kadib, isaga oo sharciga ku tumanayo, sida uu hadalka u dhigay.

“Farmaajo wuxa uu u qaatay in isaga uu leeyahay kursiga oo loo shaqeeyo.” ayuu yiri wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya.

Waxa kale oouu  xusay in Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) uu doonayo inuu dhisto Boqortooyo aan xilligan ka dhismi karin.

“Madaxweyne Farmaajo Boqortooyo ayuu rabaa inuu dhisto, meeshaanna Boqortooya ka dhismi meyso lamana ogola, 30 beri asoo Xamar jooga oo Ameerika ka yimid ayaa la doortay, rabitaanka dadka ayaa lagu doortay, dadkii rabay mid uu been ku cabay kuwa uu dhagax u dhigay, kuwa uu albaabada ka xirtay iyo kuwa uu warkooda maqli waayey ayuu ka dhigay, laakiin ha ogaado.” ayuu markale yiri Odowaa.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday riditaankii xukuumadda Xasan Cali Khayre, wuxuuna tilmaamay inuu wax ka ogaa Madaxweyne Farmaajo.

Odowaa ayaa hoosta ka xariiqay in Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ay isku soo qabteen shirkii wada-tashiga ee dhowaan ka dhacay magaalada Dhuusamareeb.

“Labada kaaba laadar waxa ay isku arkeen Dhuusamareeb Xasan Cali Khayre horta waa lagala hormaray Bistoolada intaas ayey aheyd.” ayuuu yiri Odowaa.

Ugu dambeyn wuxuu aad u dhaliilay wax-qabadka dowladda Soomaaliya, isaga oo sheegay inay ka gaabisay dhammaan qodobadii laga sugayey inay wax ka qabato.

“Wax aan Ma-Sawir aheyn oo laga dhaxlay majiro, sharci darro ayaa laga dhaxlay.” ayuu yiri, isaga oo ka hadlayey wax-qabadka dowladda.

Hadalka wasiir hore Cabdraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan lagu jiro marxalad kala guur ah iyo xaalad siyaasadeed oo ka dhalatay xil-ka qaadistii lagu sameeyey ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Khayre.