Wiil Somalia oo Diyaarad sameeyay oo la kulmay Aabbaha Diyaaradaha Darooniska Turkiga

0

Wiilka yar ee Guuleed Adem Cabdi oo gaadhey dalka Turkiga kaddib markii ay Turkiga oo haatan leh mid ka mid ah haidasooyinka ugu wanaagsan daroonnada caalamku uu warkiisa maqlay isla markaana casuumey.

Guuleed ayaa maanta ka qayb galay Carwo Cireedka 2-aad ee caalamka ugu wayn ee TEKNOFEST oo sidoo kale ah midda 1-aad ee Turkiga, isagoo uu dhinac taagan yahay aabbaha daroonnaha Turkiga ee Selçuk Bayraktar oo ah ninka sameeyey daroonkii ugu horreeyey ee uu Turkigu abid yeesho oo weliba loogu magac daray, isagoo uu sidoo kale wehlinayo wiil kale oo Turkish ah.

”Waxay quluubteenna ku kasbadeen xiisaha ay u hayaan dayuuradaha iyo cirka iyagoo moodallo sameeyey,” ayuu Bayraktar kusoo qoray boggiisa Twitter.

Waxaan la kulannay walaaleheen Guuleed Cabdi oo Somalia ka socda iyo Savaş Tatlı oo ka socda gobolka Hakkari waxaana isku aragnay carwada TEKNOFEST.” ayuu daba dhigay.

Guuleed Yare ayaa lagu wadaa inuu deeq waxbarasho oo dhanka injineeriyadda ah ka helo Turkiga.