Xaaskii Ninki boooliska ahaa e dilay ninka madow o furiin ka dalbatay dhagar qabihii

0

Derek Chauvin, oo ah askarigii qoorta uga istaagay George Floyd isla markaana loo haysto dilkiisa, ayaa xaaskiisa waxa ay ka dalbatay furriin, sida ay warbaahinta ABC News kasoo xigatay qareenka haweeneydaasi.

War qoraal ah oo laga soo saaray xafiiska qareenkeeda ee Sekula Law Office ayaa lagu sheegay in Kellie Chauvin ay aad uga naxday geerida George Floyd, ayna murugada la qeybsaneyso qoyskiisa. “Waxa ay Derek Chauvin ka dalbatay furriin, maadamaa aysan wax carruur ah isu dhalin, waxa ay Kellie codsaneysaa in gebi ahaanba qoyskeeda la siiyo ammaan xilligan adag,” ayaa lagu sheegay qoraalka ay soo xigatay warbaahinta ABC News.

Chauvin ayaa la xiray gelinkii dambe ee Jimcaha isagoo lagu eedeeyay dilka Floyd. Waxaa la filayaa in maxkamad la soo taago Isniinta, isla markaana dad kale loo qabto dilka ninkaasi, sida uu sheegay xeer ilaaliyaha deegaanka Hennepin, Michael Freeman.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa sheegay inuu hayo caddeyn muujinaysa in Chauvin uu ninka dhintay jilibka qoorta uga hayay muddo 8 daqiiqo iyo 46 ilbiriqsi ah, taasoo 2 daqiiqo iyo 53 ilbiriqsi oo kamid ah uusan nuux-nuuxsaneyn Floyd.

Dibedbaxyo rabshado wata oo ka dhashay dilka George Floyd ayaa ku baahay magaalooyinka waaweyn ee Maraykanka. New York iyo Los Angeles ayaa kamid ah ilaa labaatan magaalo oo ay hareeyeen dibedbaxyada.

Magaalada Detroit, wiil 19 jir ah ayaa ku dhintay rasaas uu gaari wadada marayay ku furay dad mudahaaradayay. Minneapolis dad dibedbaxayay oo jebiyay bandow magaaladaasi la saaray ayaa dab qabadsiiyay dhismayaal halkaa ku yaal.

Wasaaradda gaashaandhigga Maraykanka ayaa si aan horay looga baran ku amartay ciidamada dalkaasi inay heegan galiyaan cutubyo ka tirsan booliska milateriga ah, si haddii loo baahdo ay gacanta ugu dhigaan xaaladda Minneapolis.