Xasaasi:Madaxweynaha Kililka Oromia & Taliyaha Ciidanka Milateriga Itoobiya oo safar qarsoodi ah ku tegay Muqdisho

0

Madaxweynaha kilinka Oromia iyo taliyaha guud ee ciidanka Itoobiya ayaa la sheegayaa in ay booqasho qarsoodi ah ku tageen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Shimelis Abdisa iyo Major General Berhanu Jula ayaa safar aan la shaacin oo qarsoodi ah ku tegay Muqdisho 15-kii bishan iyaga oo lagu waramayo iney kulan la qaateen  Farmaajo iyo saraakiil kale oo ka tirsan maamulkiisa.

Waftigan ayaa Farmaajo kala hadlay xaaladda dalka, doorashooyinka, ciidanka Itoobiya ka jooga Soomaaliya iyo arrimo kale oo xasaasiya.

Weli safarkaan qarsoodiga ah kama aysan hadlin Villa Soomaaliya, lamana yaqaan sababta keentay in la qariyo kulanka dhexmaray madaxda dalka iyo waftiga ka yimid Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xidhiidh wanaagsan ah la sameystay dowladda Itoobiya iyadoo la xasuusto in ololahiisa madaxtinimada dalka ee dhamaadkii 2016 iyo bilowgii 2017 uu ku qotomay naceybka dowladda Itoobiya.

Soomaaliya hadda waxaa lagu tiriyaa dowladda ugu dhaw ee Itoobiya iyadoo Abiy Ahmed uu saaxiib ka dhigtay madaxweynaha wakhtigiisa sii dhamaanayo ee Farmaajo kaas oo muddo xileedkiisa uu ka harsan yahay wax ka yar 25 cisho.

xigasho qaran news