Xirsi Xaji Cali oo Maxamuud Xaashi Ku Tilaamay shaqsi isburiya oo kolma dadka uu lajoogo la fikir ah oo isgad-gadiya

0

Xirsi Iyo Maxamuud Xaashi Oo Isku Mudhux-saday Kulanka Caawa, Badkanna Soo Dhigay Qorshayaal Qarsoonaa

Wasiiraddii hore ee Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland ee wakhtigii Siilaanyo xilka u kala dambeeyay Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Maxamuud Xaashi ayaa caawa dooda ay u qabatay Kooxd INSPIRE GROUP Siyaasiyiin ay ka mid yihiin si gaar ah iskugu mudhuxsaday. Doodan oo socota.

 

Maxamuud Xaashi ayaa Wadahadaladii Xukuumaddii Siilaanyo la gashay Dawladda Soomaaliya ee Turkigu dhex dhexaadinay ku tilmaamay mid aanay waxba ka jirin oo lagu guul daraystay isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay inaan arintaasi lagu tilmaami Karin wadahadal balse uu ahaa uu isku soo jiid in la wada hadlo, halka uu Xirsi arintaasi kaga soo horjeestay kuna tilmaamay Maxamuud Xaashi shaqsi isburiya oo kolma dadka uu lajoogo la fikir ah oo isgad-gadiya, isagoo sheegay in arintaasi oo uu isagu gudida kujiray ahayd mid heer laga gaadhay loona baahan yahay in lasii anbo qaado oo aan laga hadhin.

Siyaasi Xirsi ayaa waxa uu yidhi “Waar hadii aynu gar leenahay aynu fagaarayaasha tagno, haddii kalena,..ma jirin wax qarsoodi ah, kalsoonidii aanu ku tagnay ayaanu ku meel marinay, imikana tii ayaan ku kalsoon nahay, haddii uu Maxamuud Xaashi markii aanu dawladda ahayn markaana uu aaminsanaa inay toos u socoto imikana uu leeyahay wixii aanu wadnay waa khalad, anigu wixii aan Shalay sameeyay, wixii saxnaa ee aan Shalay aaminsanaa anigoo Kulmiye ahaa, maantana aniga oo WADDANI ah ayaan aaminsanahay inuu saxan yahay, ma ihi dadka is bad badela, waxa ka muuqata halkan, yacni jahawareerka Kulmiye, inaanu geed haysan, oo meel uu u socdo aanu garanayn oo wixii uu saaray uu leeyahay waa madhalays”.

Maxamuud Xaashi ayaa isna waxa hadalkiisa ka mid ahaa”Waxaan runtii aaminsanahay oo markhaatina aan ka ahay, Kulmiye markii horena ma jahawareersanayn, maantana ma jahawareersana, Kulmiye mabaadiida guud ee Wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya iyo dariiqa loo marayo waa ka midaysanahay, wadahadalkii dariiqii aan u marnay Fududayn ayay ahayd oo waa la inoo fududayn jiray ee dhex dhexaadin may ahayn,markaa Xirsi xagga dambe ayuu kasoo akhriyay,waxaan ku gabo gabaynayaa Aniga iyo Xirsi aad ayaanu iskugu tuur tuurnay dooda”.