Xubnaha Ururka Tow Fiiq e Gaadiidka waaweyn oo Eedaymo u jeediyay Agaasimaha guud e wasaarada gaadidka iyo horumarinta jidadka somaliland

0

Labadii wiig e u danbeeyay  waxaa  kulamo gar gaar ah yeelanayay xubnaha ururka Tawfiiq e gaadiid layda  baabuurta waaweyn  waxaanay ka Arin sanayeen sidii ay u qabsan lahayeen doorashadii        madax tinimada  Ururka Tawfiiiq ee gaadiidka xamuulka ka  qaada  dekada berbera

Kulamadaasi waxa kazoo baxay in ay mudaysteen maalinta 25 /7/2020 inay qabsdaan shirkooda ay ku dooranayaan cida hogaamin lahayd labada soano e soo socda,

Hadaba  caawa oo ay u diyaar garoobayeen inay maalinta bari ah o sabti ah ay qabasadaan shirkaasi waxa ka hor yimid caqabad siday warbaahinta u sheegeen xubno kamida Ururkaasi  iyo musharixiin iyagu isku taagayay inay ka  qayb galaan tar tanka jagadaasi   gudoomiye nimada  ururka tawfiiq,

Waxaany ku eedaynayaan agaasimaha guud e wasaarada gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland Cumar sayid  in u caqabad ku noqday maamulkoodii iyo shirkii ay qabsan lahaayen ,waxaanu nahor  dhigay ayay yidhahdeen qodabo aan xeerkayaga ku jirin o nagu cusub ,

Waxaanay sheegeen in qodabdaasi ay kamid yihiin

1,In agaasaimaha guud u  gacanta lasoo galay kaadhadhkii xubnaha codaynayay o tiradoodu dhameyd 51 waxaanu nagu xidhay  ayay yidhahdeen shuruud ah in aan lagu daabicin magacyada   ka qaybgalayaasha  shirka sidaa daraadeedna  u isagu agaasime guud ahaan ku qori doono magacyada,

2,waxa kale o ay ku eedeeyeen in u kala diray gudidii qaban qabada shirka  e ay lahaayeen ururka tawfiiq ,sida Darteedna   ay wasaarad ahaan  iyagu mamuli doonaan doorshada, taas o ay ku tilmaameen xunha ugu tunka roon ururka tawfiiq mid xeerar kooda baal marsan

3, sidoo kalena waxay inta ku dareen in u ku amray Agasimaha guud in  51 xubnood e doorashada ka qayb galaya ay kusoo wareejiyaan mulkiyadii gaadiidka ay leeyihiin,

4,waxaa kale o ay ka biyo diideen siday warbaahinta u sheegeen Xubno Muhiim ah o ka tirsan ururka  tawfiiq in musharixiita  laga rabo lacag sida gudoomiayaha o laga rabo 5000,000 milyan o Somaliland shilling ah iyo ku xigeenkiis iyo xoghayaha o laga rabo midkiiba 3000,000 o Somaliland

shilling ah, waxaanay ku tilmaameen tacadi ay wasarada gaadiidku ula timid  ururkan tawfiiq e darawlada gadiidku ku midoobeen,

Hadaba sida warbaahinta madaxa banan war ku heshayna sadexda xubnood e gudoomiyaha ,ku xigeenkiisa iyo xoghayah iminka talada sii haya waxa laga qaaday 11000,000 milyan o shilin, halka warar kale o saxaafad loosoo dusiyayna ay tibaaaxayaan in musharixiin kalena laga qaday lacagtaasi,

Dabcana  Agaasimaha guud e wasarada gadiidka iyo horumarinta jidadak asomaliland cumar sayid ayaa wiigii u danbeeyay ku sugnaa berbera  waxaana wehelinayay agasimaha waaxda gaadiidka ,

Dhanka Kalena Xubnaha Ururkan tawfiiq ku midoobay ayaa badiba waxay aaminsan yihiin in doorka wasaradu noqdo goob jog uun laakiin ay kazoo horjeedaan in hawlahooda doorasho iyo mamulka xafiiskoodaba  in wasaaradu gacmaha lasoo gasho,

Eedayntan oo aanu isku daynay in aanu wax ka waydiino agaasimaha guud ayaanay noo suura galin kadib markii u qaban waayay Telofanka,