Xukuumada Somaliland Oo Ka Jawaabtay Dhawaaq Ka Soo Baxay Kornayl Caarre

0

Xukuumada somaliland ayaa ka jawaabtay dhawaaq ka soo yeedhay Kornaylka hogaamiyaha Jabhada ku sugan gobolka Sanaag ee Caarre.

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha somaliland Boos Mire Maxamed ayaa difaacay go’aanka madaxweynaha somaliland ka qaatay cafiska ciidamada la socda Kornayl Caarre iyo shuruuda uu ku xidhay hogaamiyaha jabhada.

Wasiir Boos Mire oo ka hadlaya kulankii madaxweynaha iyo salaadiinta Garxajis iyo go’aanka madaxweyne Muuse ayaa waxa uu yidhi “Madaxweynuhu beel dhan ayuu la kulmay oo saladiinteedii, odayaasheedii iyo waxgaradkeedii waad arkayseen oo meel lagu kala maqnaa may ahayn, waxaana la gudoonsaday nabad galyo, madaxweynuhuna wuxuu awooda u lahaa sharciyan inuu cafiyo halkii ayuu kaga dhawaaqay wixii kalana in laga wada arinsado oo sida ugu dhaw loo xaliyo ayuu sheegay, waana lala wada qaatay dhibaatooyinkaasina mudo ayey soo jiitameen sidaas loo wada qaatay ayaanay ku dhamaanaysaa.”ayuu yidhi wasiir Boos Mire oo la hadlay Bulshotv

Wasiir Boos Mire oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Caare waa inan ka mid ah inamadeena markii uu yidhi ima mataalan madax dhaqameedkaasi dadkii meesha marayey malaa waa la kala yaqaanaa umadee way cadahay inay matalaan.